Daawo Sawirada:Wasiirka Arrimaha Dibadda oo la kulmay dhiggiisa Yemen,booqashana ku tagay Safaaradda Soomaaliya ee China.

0

Beijing, June 07, 2014- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga H.E. Dr. Abdirahman Dualeh Beileh ayaa maanta kula kulmay Magaalada Beijing ee caasimadda dalka China dhiggiisa Yemen H.E. Dr. Abubakar Al-qirbi oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga dhinacyada badan leh ee labada dal ka dhaxeeya,arrimaha la dagaalanka burcad badeeda, argagaxisada iyo xaaladda qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool wadankaasi.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga H.E.Dr.Abdirahman D. Beileh , waxa uu ammaanay martisoorida iyo soo dhoweynta qaxootiga Soomaaliyeed loogu sameeyay gobolada kala duwan ee dalkaasi Yemen , isagoo muujiyay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay taageereyso hanaanka isbadalada dimoqraadiga ah ee ka dhaqan-galaya wadankaasi , waxa uuna u rajeeyay shacabka iyo Xukuumadda Yemen nabadgelyo , barwaaqo iyo horumar.

Dhankiisa ,Wasiirka Arrimaha Dibadda Yemen H.E. Dr. Abubakar Al-qirbi ayaa ku tilmaamay Soomaaliya dowlad deris ah oo ay kala dhaxeyso xiriir qotodheer iyo iskaashi xoogan , isagoo ammaanay isbadalada ammaan ee ka soo bidhaamay Caasimadda Muqdisho , waxaana uu sheegay in Xukuumadda Sanca ay barbar taagan tahay dowladda Federaalka Soomaaliya , ayna taageereyso howlgalada ammaan ee ka dhanka ah burcad badeeda iyo aragagaxisada oo halis ba’an ku ah nolosha muwaadiniinta labada dal ,shisheeyaha, dalxiiska,kaluumeysiga iyo isdhaafsiga ganacsiga .

Dhanka kale , Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga waxa uu booqday gelinkii dambe ee maanta dhismaha Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Magaalada Beijing ee Caasimadda China , halkaasi oo uu ku soo dhoweeyay Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u qaabilsan Jamhuuriyadda Shacbiga China ambassador Yusuf Hassan Ibrahim “Yusuf dheeg”,diblomaasiyiinta kala duwan ee Safaaradda iyo shaqaalaha “Local Staff” .

Dr. Abdirahman Dualeh , ayaa ku booriyay diblomaasiyiinta Safaaradda inay kordhiyaan howlaha qaranka ay u hayaan , isagoo xusay in loo baahan yahay dib u dhis iyo dayactir lagu sameeyo dhismooyinka Safaaradaha qaar ee dalku leeyahay , isagoo qiray in Wasaaraddu ay qorsheyneyso horumarinta aqoonta iyo tayada dhammaan diblomaasiyiinta Soomaaliya ,si guulo ay uga keenaan howlaha kala duwan ee loo kala
idmaday.

IMG_5732 IMG_5730 IMG_5729 IMG_5706 IMG_5682 IMG_5651 IMG_5647 IMG_5645 IMG_5640 IMG_5622 IMG_5616 IMG_5613 IMG_5606 IMG_5604 IMG_5601 IMG_5600

Xafiiska Qeybta Warbaahinta iyo Xiriirka Bulshada ee Wasaaradda

Section of Press and Public Relations

Follow us on Twitter and Connect to our Facebook page
https://www.twitter.com/mofasomalia
https://www.facebook.com/mofa.somalia
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com