Top News: Gaadiidka Dhismaha Oo Loogu Deeqay Garoonka Diyaaradaha Caabudwaaq.

0

Caabudwaaq (AGGM):Xubno ka mid ah qurba joogta Soomaaliyeed ee ka soo jeedda degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud ayaa laba gaari ugu deeqay garoonka diyaaradaha degmadaasi Caabudwaaq.

Mukhtaar Macallin Maxamuud oo ka mid ah guddiga garoonka ayaa Warbaahinta u sheegay in labada gaari ay yihiin kuwa loo adeegsado dhismaha iyo dayactirka waddooyinka iyo garoommada diyaaradaha ee loo yaqaan Cagaf-cagafyada.

Mukhtaar ayaa waxa kaloo uu sheegay in gaadiidkaan ay qayb weyn ka qaadan doonaan socodsiinta howlaha garoonka, wuxuuna u mahad celiyey dadka ku deeqay dhaqaalaha lagu soo iibiyey gaadiidka oo uu sheegay inay mudan yihiin ku dayasho.

Dhinaca kale maamulka degmada Caabud-waaq ayaa sheegay in uu wado qorshe lugu hirgalinayo jaamacad laga dhiso degmada.

Guddoomiyaha maamulka dowladda ee degmada Caabudwaaq, Cabdirisaaq Xasan Cawl ayaa u sheegay Warbaahinta in degmada ay ka jirto baahi weyn oo loo qabo jaamacad, si kor loogu qaado waxbarashada degmada.

Cabdirisaaq Xasan Cawl ayaa ka codsaday dowladda Soomaaliya, hay’adaha taageera waxbarashada, qurba-joogta, ganacsatada iyo dadweynahaba inay gacan ka geystaan hirgalinta jaamacadda.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com