Top News: Shimeles Kemal”Ciidamada Ammaanka Itoobiya Waxay Soo Xireen 25-tan Ruux Oo Looga Shakiyay Argagaxisannimo.

0

Addis Ababa (AGGM): Booliska dalka Itoobiya ayaa xiray 25 qof oo looga shakisan yahay inay xiriir la leeyihiin kooxda Al-Shabaab, ayna qorsheynayeen weerarro ay ka geystaan dalkaas.

Afhayeen u hadlay dowladda Itoobiya oo lagu magacaabo Shimeles Kemal ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay in xubnaha la xir-xiray ay tababar ku soo qaateen xeryaha milateriga Al-Shabaab ee Soomaaliya.

Kemal ayaa sheegay in tuhmaneyaasha ay qorsheynayeen weerarro halis oo ay ka fulin rabeen deegaanka Jimma oo 305 km koonfur galbeed uga beegan caasimadda Addis Ababa.

Dhammaan 25-ka qof ayaa lagu qabtay howlgal booliska ay ka sameeyeen deegaanka Jimma.

Afhayeenka ayaa intaas raaciyay in ragga la xir-xiray lagu qabtay tiro hub, wuxuuna sheegay in lagu xiray xabsi ku yaalla dhulka hoostiisa oo loogu talagalay in lagu hayo dadka looga shakiyo falalka argagaxisada.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com