Sir+Akhriso: Gen. Bashiir Goobe Oo Shirqoolay Madaxweyne Xasan Sheekh, Ka Dib Markuu Warqad Dacwad Ah Ka Gudbiyay.

0

Muqdisho (AGGM): Taliyaha hay’adda Nabad Sugida Gen. Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe) ayaa waxa uu qeyb ka yahay qorshaha lagu doonayo in xafiiska uu baneeyo Madaxweyne Xasan Sheekh.

Warbaahinta Allgalgaduud Media ayaa heshay warqad uu Gen. Bashiir Goobe u qoray hay’addo ajaanib ah.

Gen. Bashiir Goobe ayaa waxa uu shirqool u dhigay Madaxweynaha kadib markuu ka xog waramay.


Soomaali.

Jaalleyaal qaali ah

Waxaan jeclahay inaan akhbaar kooban idinka siiyo xaaladda dalka, gaar ahaan tan siyaasadda iyo ammaanka, oo isu beddelaya si ka xawaare badan, sidii aan marki hore moodnay. Waxaaybo badan ayaa suurta galay maalmihii dhowaa, islamarkaana sidii aan isku afgaranay kullankii ugu dambeeyey, Kooxda PN ayaa ka dhabeeyey ballanqaadkoodii, waxaana idiin xaqiijin karaa saameynta ay taasi yeelatay inay ka wanaagsaneyd sidii aan rajeeneynay. Kooxdeena baarlamanka aan ku dhex leenahay ayaa dhisya shabakad xirfadlayaal ah oo baarlamanka ku dhex jiray una badan xubnihii horey ugu jiray baarlamankii KMG ahaa, waxaana natiijadaas ay gilgishay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Waxaan 9-kii bisha May 2014 guddoomiyey shir heer sare ah, waxaana isku xiray wad-xaajoodyo miro dhalay, waxaana billowday kullamo, waxyar un kdib markii aan dalka kusoo laabtay 15-kii May 2014. Waxaan go’aan ku gaarnay inaan billowno olole cusub oo ka dhan ah Damujadiid, oo dhinacyo badan ah, si aynu u mideyno dadaalkeena. General Daahir Adam Cilmi (Taliyaha ciidanka Xoogga) iyo ninka sida aadka ah ugu dhow ee Cabdullahi Macallin Nuur (Taliyaha Saadka), si buuxda ayay wax inoola wadaan, hase yeeshee sida aan kullanka ku xhseegay, kalsooni buuxda kuma qabo taliyaha booliiska.

Madaxweyen Xasan Sheekh waxa uu lumiyey dhammaan taageeradii uu ka haystay xildhibaaanadii, wasiiradii iyo sidoo kale tii shacabka, waxaana hadda loo baahan yahay kaliya hal olole oo howsha lagu dhameeyo, oo kama dambeys ah. Wasiirada, Xildhibaanada iyo qeybaha amniga dhammaantood waxaa ay wada qirsan yihiin in-isbeddel ku yimaada hoggaanka dalka uu yahay lama huraan.

Soo jeediin

Haddii uu sii jiro hoggaanka iminka, dalkan waxa uma hagaagi doonaan marka ay timaado amni, horumar iyo xasillooni bulsho iyo mid siyaasadeed. Hay’adaha amniga waxa ay sameeyeen wax walba oo ay kaga hortagaan Al-Shabaab una badbaadiyaan shacabka, hase yeeshee waxba lama sameyn karo inta uu maamulkan jiro. Mr. Maxamuud waxa uu hay’adaha amniga ku eedeeyey inaysan ka hortagin weerarada argagixisada ee Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, hase yeeshee ma garowsana inaan guul la gaari karin inta uu isaga hoggaanka hayo.

Khilaafka u dhaxeeya Xasan Sheekh iyo ra’iisul wasaarihiisa waa uu sii ballaaranayaa, taasi oo nasii dhiiri gelineysa, xildhibaanada waxa ay diyaarinayaan qorshe cusub oo wax ku ool ah oo xilka looga qaadayo madaxweynaha, wayna sii wadi doonaan inta maamulka Damujadiid uu ka dhaco. Sidaad og tihiin kadib bilo dadaal aan daal lahayn oo ka dhan ahaa Cabdi Kariim Xaseen Guuleed waxaa lagu qasbay inuu iska casilo wasaaradda amniga, waxaana xusid mudan inuu ahaa mufakar ay Damujadiid ku dhintaan.

Waxaynu u adeegsan fursaddan inaynu beddelno hoggaaanka dalka.

Maj. General Bashiir Maxamed Jaamac

Taliyaha Cidanka HNSQ

Halkaan Hoose Ka Akhriso Warqada Uu Qoray Gen. Bashiir Goobe.

Colleagues (1)
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com