Top News: Ciidamada Amaanka Itoobiya Oo Gacanta Ku Dhigay Ruux Doonayay Inuu Isku Qarxiyo Magaalada Addis Ababa.

0

Addis Ababa (AGGM): Ciidamada amaanka ee dowlada Itoobiya ayaa sheegay inay fashiliyiin weerar Alshabaab ay doonayeen inay ka geystaan caasimada dalkaasi ee Addis Ababa, sida warbaahinta dalkaasi ay sheegtay.

Ciidamada ka hortaga waxay ugu yeereen argagixisada qoraal kasoo baxay ayaa lagu sheegay inay xereen ruux doonayay inuu isqarxiyo, sida lagu sheegay qoraalkooda.

Warka qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay in Alshabaab ay qorsheynayeen weeraro kale oo ay ka geystaan magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, ayna ka hortageen ciidamada amaanka ee dalkaasi.

Dowladda Itoobiya ayaa sidoo kale sheegtay in Alshabaab ay doonayeen todobaadyo gudaheed inay qaraxyo kala duwan ka geystaan magaalada caasimada u ah dalkaasi Itoobiya.

Al shabaab ayaa weeraro kala duwan ka geystay dalalka ay ciidamada ka joogaan dalka Soomaaliya.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com