Talo: Hadaadin Dhiigga Qofka Islaamka Ah Ee Soomaaliyeed.W/Q.Abdirazak Abdile Ali

0

Waxaan jeclahay in aan walaalaha somaliyed lawadaago arima dhawr ah ee aan iyo in aysan marnnaba banaanayn in qof somaliyed ee islaamka ah dhiigiisa ladaadiyo oo ladilo macna la,aan

قال تعالي ومن يقتل مومنا متعمدا فجزؤه جهنم خالد فيهاوغضب الله عليه
ولعنه واعدله عدابا عظيما
سورة النسا ا 93

وفي حديث لا يزال العبد في فسحة من دينه ما لم يصب دما حراما
رواه البخارىوالحاكم

Intaas oo ciqaab ayuu marayaa qofka xalaashada dhiigga qofka islaamka ah ee kasna udaadiya ,
axbaabtii dadkeena islamaka ah ee somaliyed waxaa lalaayaa ayaga oo masaajidada kasoo baxay salaadaha cishaha,maqribka iyo subxiga sidii ayaan janna ugu raadsanaynaa hadii allaah swt iyo raskuulkiisuba sidaan leeyihiin sooma ahan wax lagu mutaysanayo cadaabka rabbi ee xanuunka badan,

Kaas waa qofkii dilaya bal kan ugu taageera,dhaqaalaha kubixiya,fikrada keena,tababarka bixiya,iwm dhagayso hadalka xabiibkeena muxmaed ah scwq

من اعان علي قتل مسلم بشطر كلمة لقي الله مكتوب بين عينيه ءايس من رحمة الله تعالي

Hadaba walaalka islaamka ahaw iska jir arintaan hana ku degdegin hana taageerin dadka maantay daadinaya dhiigga islamaka waliba xiliga salaada allaah swt uu soo gutay adoonka cibaadadii rabbi swt,

Waa lagu waydiin doonaa camalkaaga iyo waxa aad samaysayba sidee yeelaysaa marka uu yimaado asaga oo dhiigga kada,ayo oo uu yiraahdo ilaahoow waydi wuuxu igu dilay,

Runtii su,aashaas way adagthay jawaabteedu mana garanaysid wax aad kudilayso walaalkaa islaamka ah,
Waxaan barta facebook ga kusaaxiibnay inan dhalinyaro ah ee somaliyed waxaan wada xariiraynay mudo kabadan 14 bilood waxay kaga dhagtay waaa xalaal daadinta dhiigga madaxda iyo dadka dawlada ushaqeeya waana murtadiin aan ilahay swt aqoon gaalo ah,intaas oo bilood waxaan iskudayay in aan kadhaaadhiciyo in aysan banaanayn qof islaamk ah daadinta dhiiggiisa billaa xujo la,aan

Xalay oo ahay taariikhdu ahayd 3/6/014 oo aan intaas waxwalba sameeyay ayaan ku iri hadaba waxaan kusiiyay fursado badan ee aan kuugu nasteexeeyo walaal iga raali ahaw,sidaas ayaana uga aamusay,

Wuxuu iisheegay in ay rag waa wayn ee culumo somaliyed ah usheegeen in ay gaalo yihiin madaxda dawladaha dadka islaamka ah oo dhan ,

Waxaan ugu nasteexaynayaa walaalaha somaliyed in ay arimahaan oo kale iska ilaaliyaan oo aysan ku degdgein gaalaysiinta qof islaam ah ee kalimada tawxiidka kudhawaaqaya

Maxaa lagudboon Culumada Soomaaliyeed

Culumadu waa meesha ugu saraysa ee laga doonayo in ay badbaadiyaan dadkoda ugana digaan wiixi dhib ukeenaya aduun iyo aakhiraba waayo waxay joogaan booskii anbiyada allaah swt,taas oo ah waajib diini ah

Fariin dhamaan aqoonyahanada somaliyed oo idil

Walaalayaal waxaan oo dhan waxaa inoo ku wacan dawlad iyo amni la,aanta oo kuwii xumaanta faafinayya ayaa helay fursad ay ku gudbiyaan fariintoodii xumayn ee lidka ku ahayn jiritaanka bulshada iyo mustaqbalkoodaba
marka waa in aan umidownaa sidaan diinteena,dadkeena iyo dalkeenaba uga sari lahayn dhib kaan xanuunka badan ee dhinac walba ina ka asiibay oo halis galiyay jiritaankeenii uamda nimo iyo mid dalba

Waa Abdirazak Abdile Ali
Abursame@hotmail.com
Makkah KSA 

https://www.facebook.com/profile.php?id=516945108354718&ref=br_tf

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com