Dhageyso: Gudoomiyaha Gobolka Bakool ” Bakool Waxaa Nagula Dagaalamaya Waa Alshabaab Iyo ONLF”.

0

Xudur (AGGM):Gudoomiyaha Gobalka Bakool Maxamed Cabdi Tool uu waraysi siinayay Idaacada VOA qaybta Soomaaliya ayaaa ku eedeyay Ururka ONLF innay ku lug lahaayeen Dagaalkii Ururka Al-Shabaab iyo Ciidamada Itoobiya oo kaa shanaya kuwa Soomaaliya ku dhex maray Xuduuda Ogaden Iyo Itoobiya.

Maxamed Cabdi Tool Guddoomiyaha Gobalka Bakool ee Dowladda Federaalka Soomaaliya wuxuu qeexay in ciidamo ka tirsan ONLF oo deganaa dhanka Xuduuda ay kasoo guureen iminkana ay yimaadeen nawaaxiga deegaanada Shabaabka ay ka joogaan Gobalka Bakool, gaar ahaan deeganada xuduuda ku dhaw.

Ururka ONLF iyo Alshabaab ayaa isku ahaa cadow, waxaana sida dhabta ah la ogyahay in Saraakiil ONLF oo baddan lagu laayay gudaha Soomaaliya ay dileen Alshaabab.

Afkaar ahaan Ururka Alshabaab wuxuu u arkaa ONLF urur Cilmaani kuna shaqeeya fikir wadaniyadeed.

Siyaasiyiinta Soomaalida ayaa inta baddan marka ay ka doonayaan taageero Siyaasadeed iyo mid ciidanba Itoobiya waxay sheegaan innay ONLF la dagaalamayaan!

ONLF ayaa horrey u beenisay innaysan xidhiidh la lahayn Alshabaab midaas oo inta baddan Dalalka Reer Galbeedku og yihiin.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com