Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliland oo Baaq loo Diray

0

Dhawaan Dowladda Jamhuuriyada Jabuuti waxaa ay shaacisay in Labadii Qof ee isku Qarxiyey Maqaaxi ku taala Dalka Jabuuti ay ka yimaadeen Magaalada Hargeysa ee Caasimada Maamulka Soomaaliland.

Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ee Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi oo Warbahinta kula hadlay  Magaalada Hargeeysa ayaa sheegay in Wasaarada Arrimaha Gudaha Maamulka Soomaaliland ay Faah-faahin ka bixiso hadalka ka soo yeeray Dowladda Jabuuti.

Muuse Biixi ayaa sheegay in Wasaarada  Arrimaha Gudaha Soomaaliland ay Jawaab cad ka bixiso hadalka ah in Labada Qof oo isku Qarxiyey Dalka Jabuuti ay ka soo jeedaan Soomaaliland,hadii ay Run tahay iyo hadii kale ay soo kala Cadeeyso.

Wasaarada Arrimaha Gudaha Jamhuuriyada Jabuuti ayaa dhawaan Shaacisay in Gabar iyo Nin isku Qarxiyey Maqaaxi ku taala Dalka Jabuuti ay ka soo jeedaan Maamulka Soomaaliland.

Halkaan Hoose ka dhageyso Warkooban

Isha ku hay Allgalgaduud Media

Allgalgaduud@gmail.com