Warbixin: Musuq maasuq Hareeyay Hay’adda Nabad Sugidda Qaranka Soomaaliya?

0

Muqdisho (AGGM): Waayadan waxaa aad loo hadalhaayay sababta Hay’ada Nabadsugida ugu sii fashilmeyso sugida amniga iyo kahortag la’aanta falalka ay maleygayaan Shabaab, oo iyagu aan wax jixin jix uhayn shacabka Soomaalyeed.

Hadaba arrimhaan, ayaa sal u ah in Hay’adda Nabadsugida ay saaxiib la noqoto fashilka, ee xilligaan halakeeyay Hay’adda uu hormuudka ka yahay General Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe).

1- Wuxuu Maamulka Hay’adda Nabadsugida soo saaray in Hogaamada qaybaha Nabadsugida uusan qaabilin maalinkasta sidaa darteed uu la kulmi karo Todabadkii Halmalin taasoo ah Maalinta

2- In Madaxa Hay’adda Nabadsugida Bashiir Goobe uu qandaraaska raashinka Ciidanka uu siiyey xaaska Madaxweynaha Marwo Sahra Cumar Xasan, taasoo ku qaadata Lacag gaareysa bishii 70 kun oo Dollar halkii ay awal ka aheyd 18 kun oo Dollar.

3. Spare partiska Hay’adda waxaa qandaraas lagu siiyey Ismaaciil Wardheere (Alkheyrad)

4. Sidoo kale Maqaayada Ciidanka raashinka ka cuno waxaa Qandaraas  lagu siiyey Ismaaciil Wardheere (Alkheyrad)

5.sidoo kale Shidaalka hey`ada waxaa Qandaraas  lagu siiyey Ismaaciil Wardheere (Alkheyrad)

6- Dhismaha ay wado Dowladda Imaaraadka  waxaa Qandaraas  lagu siiyey Ismaaciil Wardheere (Alkheyrad)

7- Mashaariicda dhiso ee Hay’adda waxaa uu Taliyaha heshiis kula yahay Shukri oo iyadu u fulisa soona dalacda lacag faa’ido oo ah boqolkiiba 300, tusaale waxay qiimayn ku sameysay mashruuc ay fulineysay ka soo ay ku sheegtay in ay ku kaceyso 80 kun oo Dollr halka Injineere kale oo soo dalbaday fulinta howshaa ay ku qiimeeyeen 18 kun oo Dollar, balse markii labada codsi la hordhigay Taliyaha wuxuu qaatay Kan Shukri, maxaa yeelay waxaa ugu jirto faa’ido 45 kun oo Dollar oo ay heshiis ku yihiin Shukri.

8- Qandaraaska Dhismaha ee Xeragaadiid waxaa lagu siiyey Ismaaciil Wardheere (Alkheyrad)

Hubka Hey`ada Nabadsugida waxaa la geeyaa Suuqacirtoogte waxaana wakiil uga ah Taliyaha Arimahaa Genaral Ereg iyo Gaashaanle Dhexe oo Booliis ah  lakiin ah Madaxa Amniga ee Taliye Bashiir Goobe, iyadoo bishoo April la geeyey  70 Bastooladood oo ah nooca Makaaroofta  Suuqa Cirtogte kuwaa oo kalaga keenay Dalka Yaman, waxaana arimaha sii fududeeya suuqgeyntooda oo kasii hoos shaqeeya labadaan taliye ee Ereg iyo Sulub Gashaanle Cabdidheere oo ah Madaxa Ciidamada Ruuxaanta sidoo kalana ah kuxigeenka Koofi Taliyaha Nabadsugida Gobolka Banaadir.

Taliyaha wuxuu siiyey gawaarida loogu talagalay Xuuraanka Saaxiibadii kuwaa oo 8 Janaayo ee sanadkan 2014 uusoo bandhigay taliye Bashiir Goobe, Gaadiidkan oo ku xareysan Xarunta Xuuraanka wuxuuna taliyaha amray in loo qeybiyo Rag ay saxiiba yihiin iyadoo Ganacsatadii gaadiidkan laga soo deentay ay dalbanayan in Gaadiidka looso celiyo ama Lacagtooda ay leeyihiin la siiyo, waxeyna Gaadiidkan ay ka koobanyihiin 13 Gaari,12 Bajaaj iyo Mootooyin.

Tiknikada Hay’adda Nabadsugida waxaa loogu shqeeyaa Ganacsato gaar ahaan Shirkada Alkheyraad taasoo ku handada Ganacsatada Gobolka Banadir.

Taliye Bashiir goobe wuxuu afartii bil ee lasoo dhaafay dhimay mushaaraadka Ciidanka isagoo taas badalkeeda lacagta dowlada ay ugu talagashay Ciidamada kala duwan ee Amniga in ay qaataan wuxuu ku laaluushaa Jeebab gaar ah sida Wasiirkii Amniga 200 kun, wasiir Faarax 150 kun, labada xaas ee Madaxweynaha min Boqol iyo Konton, Alkheyrad Acount Madaxweynaha 150 kun oo Dollar iyointa kale oo uu siduu doono u maamulo.

Waxaa la yaab leh in Kaaba waardiyaha Taliyaha Hey`ada Nabadsugida Bashiir goobe Gashaanle Dhexe Sulub  uu qaato lacag dhan 7000 kun oo Dollar Bishii halka Gashaanle sare uu ka qaato bishii 300 oo Dollar.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com