Sarreeye-guuto Samuel Omar Williams Taliyaha ciidamada Sierra Leone Oo Kismaayo Ku Sugan Oo Ka Maagmaaganaya In Uu La Kulmo Koox Beeleedka Raaskambooni

0

Kismaayo (AGGM)-  Sida ay nagu soo gaarayaan warar hoose oo aan idinkaga helnay magaalada Kismaayo taliyaha ciidamada qalabka-sida ee dalka Sierra Leone, sarreeye-guuto Samuel Omar Williams ayaa wali wax kulan ah la qaadan maleeshiyada beesha ka kooban ee Raaskambooni.

Sierra Leone waxaa magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobalka Jubada Hoose ka jooga ciidamo ka socda dalkaas, kuwaasoo aana ka amar qaadanin koox beeleedka Raaskambooni.

Socdaalka taliyaha ayaa ku qotoma u kuur-gelidda xaaladda ciidamada dalka Sierra Leone ee jooga magaalada Kismaayo, kuwaas oo qeyb ka ah howlgalka AMISOM, waxaana la filayaa in uu kaga maagmaaganayo la kulan kooxda ONLF iyo Raaskambooni sababo la xiriira gaboolfalada xuquuqda insaanka ee ay Kismaayo ka gaystaan iyo iyadoo Sierra Leone aysan u aqoonsanayn in maleeshiyo beeleedka Raaskambooni ciidan qaran.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com