Dhageyso:Dowladda oo Guul ka sheegatay Dagaal ka dhacay Degmada Ceelbuur

0

Ceelbuur(AGGM): Xili Degmada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud uu ka dhacay Dagaal u dhaxeeya Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo Kooxda Al-shabaab ayaa waxaa ka hadlay Taliska Ciidamada Milatariga ee Gobolka Galgaduud.

Taliyaha Ciidamada Xooga Ee Gobolka Galgaduud Max’ed Kaariye Cawaale ayaa Warbaahinta u sheegay  in Ciidamada Dowladda ay Jab Xoog leh ay gaarisiiyeen Maleeshiyada Al-shabaab.

Taliyaha ayaa Xusay in 10 ka mid ah Maleeshiyada Al-shabaab Dagaalka ay ku dileen islamarkaana ay Nolosha ku qabteen Saddex kale oo Al-shabaab ah.

Halkaan Hoose ka dhageyso Codka