Dhageyso: Madaxweyne Barack Obama oo safiir cusub u magacaabaya Soomaaliya.

0

Muqdisho (AGGM):Madaxweynaha dalka Mareykanka ayaa qorsheynaya inuu magacaabo safiirkii ugu horreeyay ee Mareykanka u qaabilsanaan doona Soomaaliya muddo ka badan 20 sano.

Kaaliyaha xog-hayaha arrimaha dibedda Maraykanka ee arrimaha siyaasadda Wendy Sherman oo ka khudbeyneysay Machadka Nabadda ee Mareykanka U.S. Institute of Peace ee Washington ayaa sheegtay inuu madaxweyne Obama dhowaan magacaabi doono safiirka Mareykanka ee Soomaaliya si loo sii xoojiyo xiriirka dibloomaasiyadeed ee u dhaxeeya labada dal.

Wendy ma aysan sheegin dibloomaasiga loo magacaabi doono jagada.

Safaaradda Mareykanka uu ku lahaa Muqdisho ayaa albaabbada la isugu dhuftay sanadkii 1991, xilligaas oo Soomaaliya uu ka qarxay dagaal sokeeye oo dad badan ay ku dhinteen.

Dibloomaasiyiinta Reer Galbeedka ayaa billaabay inay kordhiyaan xiriirka ay la leeyihin Soomaaliya kaddib markii Xasan Sheekh Maxamuud loo doortay madaxweynaha Soomaaliya bishii Sebteembar 2012. Dowladda Mareykanka ayaa afar bil kaddib doorashadii madaxweyne Xasan Sheekh aqoonsatay dowladda cusub ee Soomaaliya.

Dowladda Ingiriiska ayaa sanadkii hore waxay safaarad ka furatay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho oo si weyn loo ilaaliyo.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com