Al Shabaab oo si dadban u maamula Magaalada Marka, Jilib Marka, KM 60, KM50, Ceelwareegoow! Maliishiyada Beeleed hoos taga Gudoomiyaha Marka oo xasuuq wada, fuliyana qorshaha Shabaab, Maxaa isku dan ka dhigay Al shabaab, AMISOM, UNSOM iyo..!!

0

Muqdisho (AGGM): Maleeshiyo beeleed hoos taga Gudoomiyaha Degmada Marka Mohamed Osman Yarisow ayaa shalay iyo Maanta ku dilay labo qof oo la sheegay inay hal beel kasoo jeedaan, labada nin ee la dilay ayaa lagu kala magacaabaa AUN Cabdullahi Ganleey iyo Xuseen Jiis.

Cabdullahi Ganleey ayaa ahaa nin shacab ah oo reer Marka ahaa, sababta loo dilayna uun lagu sheegay inuu kasoo jeedo beel uu Gudoomiyaha Marka Yariisoow ka sheego idaacadaha inay isaga baxaan degmada Marka iyo guud ahaan Gobolka Sh/hoose. Xuseen Jiis ayaa isagu ahaa nin odey ah oo waardiye Ka ahaa guri ay leedahay Haweeney caan ka ah Gobolka Sh/hoose oo lagu magacaabo Fadumo Canjeero oo uu qaraabo la ahaa, Xuseen Jiis ayaa Malishiyada Beesha Biimaal ee Yariisow iyo Waafoow hogaamiyaan u galeen gurigii uu waardiyaha ka ahaa kadibna ku dhex toogteen.

Dilalkaan manta iyo shalay dhacay ayaa daba jooga dilal joogto ahaa oo Maliishiyo beeleedka hoos taga Yariisoow iyo Waafoow ka wadeen magaalada Marka iyo KM50 sanadkii lasoo dhaafay, Dilkii ugu danbeeyay oo ka horeeyay midka maanta iyo shalay dhacay ayaa ahaa mid todobaad ka hor ka dhacay Tuulada Ceeljaale oo ku dhow Magaalada Marka, Xiligaas oo wiil lagu Magacaabo Cismaan Daahir Afweyne oo ahaa milkiilaha Gaari Caasi ah lagu dilay Isbaaro Maliishiyada Yariisoow u taalo Tuulada Ceeljaale. Tuulada Ceeljaale waxaa ku sugan oo ay saldhig weyn u tahay ciidamada dalka Uganda oo qeybta ka ah Hawlgalka Midawga Afrika ee AMISOM Somalia, Dilkaas foosha xumaa ee Cismaan Daahir Afweyne kadib ayaa maliishiyadii dishay Cismaan waxaa ay taleefankiisii ka waceen aabihii dhalay wiilka la dilay Dahir Afweyne iyaga oo u sheegay inay wiilkiisa iyagu dileen isaga iyo ilmihiisa kalana dili doonaan hadii aysan isaga guurin degmada Marka.

Arimaha Noocaan oo soo noqnoqday ayaa la sheegayaa inay siyaabo kala duwan ugu lug leeyihiin Maliishiyada Al-Shabaab, AMISOM iyo xubno kamid ah Dawladda Federaalka Soomaaliya oo isugu jira Baarlamaanka iyo Golaha Wasiirada, Kooxahaan kala ujeedada ah ayaa Alshabaabku doonayaan in Dagaal beeleedyadu gobolka joogto ka noqdaan si ay amni darada iyo dagaal beeleedyada ugu dhex wataan hawlahooda nabadiid-nimada ah ee ay ka wadaan Gobolka Sh/hoose iyo gobolada ku xeeran, ujeedada AMISOM ayaa la sheegayaa inay labo uun mid tahay ogaansho la,aan waxa ka socda Gobolka iyo marin habaabin kaga imaanaysa Siyaasiyiin dhinaca Dawladda ah, halka dadka qaar aaminsan yihiin in AMISOM dani ugu jirto inaan dalku degin si baahidooda ay usii jirto, Xubnaha Dawladda ee kala ah Baarlamaanka iyo Wasiirada ayaa iyagu ujeedkoodu yahay in qabiilkoodu qabsado gobolka, qabaailka kalana laga saaro..

Ciidamada AMISOM ayaa tababar uga furay Maliishiyaadkaan nabada u diidey Marka iyo nawaaxigeeda Degmada Marka, Maliishiyadaan lagu tababarayo Ceeljaale oo uu Wasiir ku xigeenka Gaashaandhiga Cabdalla uu qaab beeleedka u aruuriyey ayaa la sheegayaa in qeyb badan oo kamid ah yihiin Xarakada Alshabaab. Alshabaab iyo Maliishiyo beeleedkaan ayaa la sheegayaa inuu ka dhaxeeyo xiriir aan qarsooneyn, ciidamada Milateriga iyo Kuwa Booliiska oo meelo kooban ka jooga Marka iyo Gobolka Sh/hoose ayaa si toos ah waxaa u beegsada Alshabaab, Halka Maliishiyada Beelaha Dir iyo Biimaal ee Yariisoow iyo Waafoow-ga hogaamiyaan ay la hawlgalaan Shababka gaar ahaan hawlgalada aaga dhanaane iyo Jasiira.

Madaxweyne Hassan Sheekh, Wasiirkii Hore Amniga, Wasiiradii kala duwanaa ee Gaashaandhiga Mr Fiqi iyo Wasiirka haatan Jooga Mohamed Sheekh iyo dhamaan taliyayaasha Laamaha Amniga ayaa ku fashilmay in ciidamada Dawladda Geeyaan aagaga laga xoreeyay Shabaabka, oo Maliishiyo beeleedyo shabaabku isticmaalayo dib ula wareegaan, gabaadkana ku siiyaan Alshabaab-ka

Alshabaab ayaa ku guuleystay iyaga oo isticmaalaya Maliishiyo beeleedyada Waafoow –ga KM 50 iyo Yariisoow-ga Marka in Ciidamada Milateriga ee Shabaabka ka xoreeyey Qoryooleey aysan marin Wadada isku xirta KM 50 iyo Shalanbood iyadoo haatan Milaterigu isticmaalo wado Marta Awdheegle oo ka tagta Janaale kadibna ay laamiga uga dhacaan Tuulada Buufoow oo ka sokeysa Shalanbood.

Madaxweyne Hassan Sheekh, Wasiirkii Hore Amniga, Wasiirkii hore Mr Fiqi, Wasiirka Gaashaandhiga Mohamed Sheekh, Taliyayaasha Booliska General Saacid, Milateriga General Indhaqarsho, Nabadsugida General Bashiir Goobe ayaa si hoose u sheegay sababta maliishiyo beeleedka ku xiran al-shabaabka oo xasuuqa ka wada gobolka wax looga qaban la’yahay, Milateriga Soomaaliyana u isticmaalayo Wadada Awdheegle oo looga leexanayo wadada KM 50 inay tahay inta badan Xildhibaanada Beesha Dir ee ka kooban 61-da xildhibaan inay difaacayaan Maliishiyo beeleedyadaas, Xildhibaanada Xasuuqa beelaha gaar ah iyo barakicinta lagu wado waxaa kamid ah Gudoomiyaha Guddiga Difaaca iyo amniga Baarlamaanka Xildhibaan Hussein Arab Isse, W/k/xigeenka Gaashandhiga Xildhibaan Cabdalla, Prof Ibbi, G/K/xigeenka Baarlamaanka Xildhibaan Mahad Cawad iyo xildhibaano kale oo aad u tiro badan.

Xildhibaanadaan iyo xubno kamid ah Golaha Wasiirada ayaa maalgeliya in Beesha Hawiye oo ah beelaha ugu badan Gobolka laga soo barakiciyo Gobolka Sh/hoose iyaga oo kaalmo ka helaya Maliishiyada Alshabaab oo uu hogaanka u hayo Ahmed Godane oo ay isku beel kasoo jeedaan, Beeshaan barakicinta iyo Xasuuqa ka wada Gobolka Sh/hoose ayaa iyagu ah beelaha sida aadka ah uga faaiideysta Dawladda Federaalka Soomaaliya, aadna uga shaqeeya Xafiisyada Dawladda Muqdisho iyadoo aysan jirin cid dhibaato ku haysa.

Alshabaab, AMISOM, Madaxda Dawlada Federaalka Soomaaliya, Wakiilka UNSOM Somalia Mr Nicholas Key ayaad moodaa inay si dadban isaga kaashanayaan qorshaha Dalka loogu qeybinayo Dawladaha is barbar yaacaya, Dawladahaas oo Dawlada KMG ah ee Juba lagu magacaabo si qasab ah looga soo saxiixay DF Soomaaliya, iyadoo Haatana ay muuqanayso in Nicholas Key riixayo qorsho Dawlad lagu Magacaabo loogu dhisayo Koofur Galbeed loogu dhisayo Gobolada Bay, Bakool iyo Sh/hoose iyadoo oo la iska indha tirayo Dawladda Koofur Galbeed oo ka kooban 6-da Gobol, Dawladda Shabelle State oo ka kooban labada Shabelle iyo Dawladda Ex-Banaadir oo kooban Banaadir iyo Labada Shabelle. Qorshahaan Nicholas Key gadaal ka riixayo ayaa ah mid culeys badan lagu saarayo Beesha Hawiye oo la doonayo in lasoo dhaafsiiyo Siinka Dheer, Halka Magaalada Muqdisho-na Shirko looga Dhigay siyaasiyiin wata magaca Dawlada Federaal-ka Soomaaliya oo Magac u yaalka ah, siyaasiyiintaan oo Xamar maamusha kana ah Xildhibaano iyo Wasiiro oona Barakicinta ku haaya Beelaha Hawiye oo dega Jubooyinka iyo Shabeelooyinka.

Siyaasiyiintaa lafdhabarka u ah qorshaha Beesha Hawiye dhabarka looga jabinaayo loogana dhigayo qabaailada laga awooda badan yahay xag siyaasadeed, xag deegaan iyo xag dhaqaalaba waxaa kamid ah Xildhibaan Xidig, Xildhibaan Sanyare, Wasiirka Maaliya Dr Halane, Wasiirka Qorsheynta Saciid Cabdullahi, Xildhibaan Mahad Cawad, Xildhibaan Hussein Carab Ciise, Xildhibaan Ibbi, Wasiir ku xigeenka Gaashaandhiga Cabdalla, Xildhibaan Siciid, Wasiirka Tacliinta sare Ducaale, Xildhibaan Gaarane iyo xildhibaano kale oo badan

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com