Xog: Maxaa Kala Socotaa Kulanka Dhexmaray R/wasaare Cabdiweli Sheekh Iyo Xildhibaanada Beesha Sade?

0

Muqdisho (AGGM):Wararka maanta naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in shalay kulan albaabada u xiran ay wada yeesheen R/wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed iyo Xildhibaanada Beesha Sade.

Kulankan ayaa waxaa codsaday inay isugu yimaadaan Xildhibaanada Beesha Sade R/wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed.

Ugu horeeynti R/wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa Xildhibaanada ka codsaday inay codkooda ku taageeraan ama ay is hortaagaan haddii ay dhacdo in Mooshin laga keeno.

Xildhibaan ka mid ah Xildhibaanadi ka Qeybgalay Kulanka oo u waramay Warbaahinta Allgalgaduud Medi ayaa waxa uu sheegay in lagu yiri R/wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed “beesha Sade mar hore ayay kaa gudbisay Mooshin, taasna adigaa sabab u ahaa kadib markii aad beesha  aku tumatay Sharafkeedi, Karaamadeedi iyo Xuquuqdi ay ku dhex laheed Ummada Soomaaliyeed.

Qaar kale oo ka mid ahaa Xildhibaanada ayaa iyaguna waxa ay ku eedeeyeen R/wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed wax dheeri ah oo uu beesha Sade u qabto iskadaaye in beesha Sade ay ka weeyday waxay xaqa u laheed oo uu isku dayay inuu u afduubo beesha Rag ay xigto iyo xidid yihiin.

Sidoo Kale Xildhibaanada beesha Sade ayaa waxa ay ku eedeeyeen R/wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed inuu ku tagri falay awoodi R/wasaarenimo kadib markuu beel ka mid ah beelaha wax ka daga Jubbooyinka uu yiri haleysu dhiibo iyo colaadaha uu ka hurinayo gobolka Gedo.

R/wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa waxa uu ka codsaday Xildhibaanada waxii tagay in layska iloobo balse hadda iyo waxii ka dambeeya laga shaqeeyo horumarka beesha, si joogto ahna loo wada shaqeeyo, arintaas oo ay xildhibaanada badankood isku raaceen balantaa ka soo bxiideeda dhanka R/wasaare Cabdiweli Sheekh inay tahay mid shaki wayn muujinaysa, maadaama sida ay sheegeen aysan jirin jiho iyo qaab loogu hagaago R/wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed.

Gabagabadi kulankan ayaa waxaa lagu heshiiyay in R/wasaare Cabdiweli uu faraha kala baxo arrimaha gobolka Gedo ugana dambeeyo Xildhibaanada Beesha iyo Waxgaradka Kale, waxaa sidoo kale leeysku raacay in Xildhibaanada, odayaal dhaqan iyo waxgarad kale ay usoo kici timaan dhanka gobolka Gedo si loo xaliyo colaadaha ay abuureen R/wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed iyo kooxda uu taageero ee Maleeshiyo beeleedka Raaskambooni.

Isku soo wada duuboo safarkan Xildhibaanada, Odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka kale ay ku tagayaan gobolka Gedo ayaa waxaa laga qabaa rajo weeyn, waxaana hubaal ah haddii R/wasaare Cabdiweli Sheekh uga dambeeyo Xildhibaanada iyo Odayaasha Dhaqanka arrimaha gobolka Gedo in afka dhulka loo galinayo amaba inay meesha ka baxayaan kooxda yar ee taageerta fikradaha guracan ee maleeshiyo beeleedka Raaskambooni, islamarkaana dadka gobolka Gedo ay ku talaabsanayaan guul iyo horumar dhan walba ah oo waarta.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com