Top News: Muungaab oo markii ugu horeysay Dalka ka dhoofay

0

Muqdisho(AGGM):Wafdi uu hor kacayo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Xasan Max’ed Xuseen “Muungaab” ayaa Goor dhaw ka Dhoofay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho,kuwaas oo ku sii jeeda Dalka Turkiga.

Gudoomiyaha Gobolka ayaa waxaa Socdaalka ku waheliya Xubno Injineero,waxaana ay Casuumaad ka heleen Madaxda Dalka Turkiga.

Ujeedka Safarka ayaa waxaa lagu sheegay in ay Qeyb ka tahay Mataaneeynta Caasimadaha  Soomaaliya iyo Turkiga,waaana Gudoomiyaha Booqashadiisa ay qaadan Doontaa Mudo Kooban.

Gudoomiyaha Gobolka Banadir Mr Muungaab ayaa ah markii ugu horeysay oo uu Dalka ka baxo,waxii ka danbeeyey Magacaabista Gudoomiayaha Gobolka.

Isha ku hay Allgalgaduud media

Allgalgaduud@gmail.com