Top News: Maxkamad Ku Taal DalkaTurkiga Oo Amartay In La Soo Xiro, Xasan Turki, Xasan Daahir Aweys, Axmed Godane, Abu Mansuur Iyo Fu’ad Shangole.

0

Ankara (AGGM):Maxkamad ku taalla dalka Turkey ayaa soo saartay amar lagu soo xirayo shan ka tirsan horjoogayaasha sarsare ee Al-Shabaab oo lagu eedeeyay in ay ku lug leeyihiin qarax is-miidaamin ahaa oo lagu weeraray safaaradda Turkiga ee magaalada Muqdisho.

Dacwad-oogaha dowladda Turkiga ayaa sidoo kale ka codsan doona booliska adduunka ee INTERPOL in uu soo saaro digniin ka dhan ah horjoogeyaashaas oo amar ay bixiyeen uu sabab u ahaa weerarka lagu qaaday safaaradda Turkiga oo lagu dilay mid ka mid ahaa ilaalada safaaradda.

Maxkamadda oo ku taalla Ankara ayaa amartay xarigga horjoogeyasha kala ah Axmed Aw-Cabdi Godane, Mukhtaar Roobow Abuu-Mansuur, Fu’aad Maxamed Shangole, Xasan Daahir Aweys iyo Xasan Cabdullaahi Xirsi Al-Turki.

Bishii July ee sanadkii hore ayaa gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay lagu weeraray guri ay deggan yihiin shaqaalaha safaaradda Turkiga ee magaalada Muqdisho, waxaana weerarkaas lagu dilay labo ka tirsanaa kooxdii dhismaha soo weerartay kaddib qaraxa gaariga.

Shanta nin ee ay maxkamadda amartay in la soo xiro ayaa waxaa ku jira horjoogaha ugu sarreeya Al- Shabaab Axmed Godane iyo Xasan Daahir Aweys oo iminka u xiran dowladda federaalka ah iyo Xasan Turki oo la sheego inuusan haatan wax xiriir ah la laheyn Al-Shabaab.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com