Top News:Mareykanka Oo Ka digay Weeraro Al-shabaab ay ku Qaadaan Dalka Ethiopia

0

Addis Ababa (AGGM): Safaarada mareykanka ee magalada addis ababa ayaa kuboorineesa muwaadiniinta mareykanka  iney joojiyaan safarada ay uaadayaan dalka Ethiopia kadib digniin soo baxday oo muujineesa weeraro ay qaadi rabaan  kooxda alshabab.

“Safaaradu waxay heshay warbixino kusaabsan weeraro argagixiso oo kadhici kara dalka Ethiopia oo ay qaadaan kooxda alshabab ee Somalia kadagaalanta kuwaa oo halis ku ah danaha reer galbeedka ee qarada Africa” sidaa waxaa lagu yiri warbixinta kasoo baxday safaarda mareykanka ee dalka Ethiopia.

Wargeyska layiraahdo Sudan tribune ayaa sheegay in mareykanka iminka uu muwaadiniintiisa kuwargaliyay iney kataxadaraan amaankooda ,ayna kafoojig naadaan goobaha weeraradu ay kadhici karaan.

warka kasoo baxay Safarada ayaa sidoo kalle lagu sheegay in safaradu aysan ogeen goobaha rasmiga ah ee weeraradu kadhici karaan balse safaradu waxay tiri waxaan xasuusineenaa muwaadiniinta mareykanka iney iska ilaaliyaan aaditaanka halka ay iskugu yimaadaan muwaadiniinta reer galbeedka sida Hotelada ,baararka,goobaha loo tukaameesi tago .

Warbixinta mareykanku uusoo saaray oo aad udheereed ayaa lagu sheegay in muwaadin walba oo mareykan ah uu iska diiwaangaliyo safarada mareykanka ee adis ababa isagoo maraya habka layiraahdo (Step) kaa oo qofka mareykanka ah siinayaa war-walba oo amaankiisa quseeya.

Ethiopia ayaa qeyb ka ah wadamada gobolka kuyaala ee xiriirka dhanka amaanka laleh wadanka mareykanka ,waxayna kamitahay sidoo kalle wadamada ciidamada usoo daabulay Somalia kuwaa oo dagaalka kula jira ururka alshabab ee alqacida xiriirka laleh.

Isha ku hay Allgalgaduud Meia

Allgalgaduud@gmail.com