Top News:Ingariiska oo mar kale Muwaadiniintisa uga digay in ay u safraan Kenya

0

London (AGGM): Xafiiska dowlada Britain ee arimaha dibada iyo barwaaqa sooranka ee marka lasoo gaabiyo looyaqaano (FCO) ayaa umuujinaya muwaadiniinta Britain digniino kuwajahan  usocdaalka dhanka dalka Kenya ,qaasatan magaala xeebeedka Mombasa,kadib markii horaantii bishi horre laba qarax ay kadhaceen magaladaasi

Website-ka Travelmole oo soo xiganaya saraakiil katirsan wasarada arimaha dibada ayaa kuwaramaya in Qatar ay lakulmi karaan dalxiisayaasha ,oo ay kujiraan afduub  dhibaatada ugu weyna ay ka imaan karto alshababka Somalia kadagalama kuwaa oo sheegtay masuuliyada weeraro dhowr ah oo kadhacay dalkaasi Kenya.

Madaxa dalxiiska dalka kenya ayaa isagu sheegay in-ay  macquul tahay iney hakadaan dalxiiska magalooyinka Watamu, Malindi, Lamu, Diani , Galu , Kinondo.

Muwaadiniinta reer galbeedka ayaa iygu lakulma weeraro kaga yimaada dhanka kooxda alshabab ee Somalia ,ayadoona dowladaha mareykanka iyo Britain  ay dhowr mar soosaareen digniino ku’aadan weeraro kenya kadhaca.