Top News: Dowladda Uganda oo beenisay in Ciidamadeeda ay kala bexeyso Somaaliya

0

Kampala(AGGM):Wasiirka difaaca dalka Uganda Crispus Kiyonga ayaa shir jaraaid ah uu ku qabtay dalkaasi waxa uu sheegay ciidamada Uganda in ay weli awood u leeyihiin in ay ka guuleestaan dhaq dhaqaaqa Al-shabaab,waxana weerarkii barlamaanka lagu qaaday todobaadkii tagay ayna ku dhinteen 3-askarta Uganda uu ku tilmaamay mid fuleynimo ah.

Crispus Kiyonga ayaa sheegay in ciidamada Uganda ee qeybta ka ah kuwa AMISOM ay howlgalkooda Somalia ay sii wadi doonan hadii ay sii socdaan xitaa weerarada Al-shabaab.

Crispus Kiyonga ayaa sheegay wadamada afrikanka ah ay ciidamada ka joogaan Somalia in ay u diyaarsan yihiin in ay ka guuleestaan dhaq dhaqaaqa Al-shabaab.

Wasiirka waxa uu yiri “waxaan u hambalyeenaya ciidamada Uganda iyo kuwa soomaaliya ee iyaga muujiyey talaabo geesinimo ah oo ay ku difaaceen xubnaha barlamaanka somalia”

ISha Ku Hal Allgalgaduud Media

allgalgaduud@gmail.com