Dhageyso: Xildhibaan Xoosh Jabriil “Madaxweynaha Ha Iscasilo, Fidnada Dalka Ka Taagan Isagaa Sabab U Ah, Yuusan Noqon Madaxweyne Urur Diimeed”.

0

Muqdisho (AGGM): Xildhibaan C/raxmaan Xoosh Jabriil ayaa si kulul uga hadlay Amaan xumida kajirta Caasimadda somaliya ee Muqdisho,isagoona Falalka Amaan xumida ah ee kadhacaya Dusha u saaray madaxweynaha Dowladda Federaalka somaliya Xasan sheekh Maxamuud.

””Siyaasada qalafsan ee hadda ka taagan dalka,waa mid mas’uuliyadeda uu leeyahay madaxweynaha Soomaaliya,dalku xilligan xaaladdisu ma wanagsana waxaana eeda iska leh madaxweynaha,..””ayuu yiri xildhibaan Xoosh oo si kulul u weraaray Madaxweynaha somaliya Xasan sheekh.
Xildhibaan Xoosh ayaa dhanka kale ku sheegay Waraysi lala yeeshay Arimaha Mooshinka ee laga keenay Madaxweyne Xasan sheekh.

Xoosh Jabriil waxuu sheegay in xildhibaannadu ay doorten madaxweynaha Soomaaliya ee xilligan kaaso ah,Xassan Sheekh balse waxaa uu sheegay in ay muuqanaysa dalka maamulkiisa inay xisbi la wareegen.

Xildhibaan Xoosh oo qirtey inuu ka mid yahay xildhibaannada doonaya inay madaxweynaha xilka ka qaadan,waxuu sheegay inay dalka la doonayan hormar iyo halka uu taagan-yahay in laga qaado taasna uu ku fashilmey madaxweynaha hadda ee Xassan Sheekh.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com