Dhageyso: Suldaan Xareed Waambo” Madax Libaax Lo’ Ma Leefto, Ninka Dhoobleey Ka Soo Duuloow Meeshiisii Ha Isaga Laabto, Maroodigii Garbahaareey Iyo Cambaha Jamaame Ayay U Socdaan Maleeshiyada Raaskambooni”

0

Kismaayo(AGGM): Mid kamid ah odayaasha Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Suldaan Xareed Cabdille Xareed Waambo ayaa kashifay sirta ka dambeysa duulaanka koox beeleedka kilinka Shanaad ee Itoopiya ka soo duulay ay u soo buuxdhaafiyeen magaalada Kismaayo, isagoo sheegay in maleeshiyada baahan ee Kismaayo ku soo qamaamtay ay doonayaan inay nimcada gobolada Jubbooyinka boobaan.

Suldaan Xareed Cabdille Xareed Waambo ayaa tilmaamay in dhawaan uu ku soo arkay magaalada Addisababa iyadoo lagu iibanayo cambe laga keenay Jamaame iyo Jilib taasoo ku tusinaysa in koox beeleedka hayaanka ee Raaskambooni ay durbaba billaabeen inay isku qaboojiyaan kheyraadka ay boobeen.

Suldaanka ayaa ka dhigay inay haboontahay in maleeshiyada Raaskambooni ay ku laabtaan meeshii ay ka soo duulaan maadaama Lo’da Xitaa aysan Libaax Madaxiis leefin, ay tahay caqli xumo inay deegaan aysan u dhalan taankiga Keenyaatiga ku joogaan.

Halkaan ka dhageyso hadalka suldaanka oo xaqiiqda banaanka keenay

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com