Dhageyso: Enjineer Yaroow “ Maleeshiyo Kilinka 5naad Iyo Gaarisa Ka Yimid Kismaayo Ma Maamuli Karaan”

0

Kismaayo(AGGM): Enjineer Yaroow oo kamid ah aqoonyahanada beelaha degaanka rasmiga ah Jubbooyinka ayaa sheegay  haddii run laga sheegayo in xal waaro oo loo helo arrimaha Jubbooyinka ay tahay in koox beeleedka Raaskambooni ee kilinka 5naad iyo gaarisa xoog looga saaro magaalada Kismaayo.

Enjineer Yaroow ayaa sheegay in dadka deegaanka la yaqaano balse ay tahay wax fool xumo ah in dadkii deegaanka oo jooga ay maleeshiyada Raaskambooni dhulka maamulaan.

Aqoonyahankan ayaa sheegay in kooxda Raaskambooni ay hoos fadhido Keenya balse aysan taasi marnaba suurtagal ahayn oo Keenyaatiguna ay wadanka isaga bixi doonaan.

Halkaan ka dhageyso Injineer Yaroow

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com