Dhageyso: Dagaalk ka dhacay Degmada Ceelbuur

0

Ceelbuur(AGGM):Dagaal Xoogan oo u dhaxeeya Ciidamada Dowladda Soomaaliya  oo garab ka helaya  kuwa AMISOM ee Itoobiya iyo  Al-shabaab  ayaa Xalay ka dhacay Degmada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud.

Dagaalka ayaa yimid ka gadaal markii  Al-shabaab ay soo weerareen  Degmada Ceelbuur oo ay gacanta ku hayaan Ciidamada Dowladda iyo AMISOM.

Wararka ayaa sheegaya in Labada Dhinaca uu dhexmaray Dagaal saacado qaatay iyo Madaafiic ay isweydaarsadeen .

Khasaaraha Dagaalka Xalay ayaan la sheegin,maadaama uu jiri karo Khasaare oo Dagaalka uu Cuslaa.

Degmada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud ayaa Bishii Marso ee Sanadkaan waxaa laga saaray Gacanta Maleeshiyada Kooxda Al-shabaab,oo dhibaato ku hayey Dadka Shacabkaa ee halkaasi ku nool.

Halkaan Hoose ka dhageyso

Isha ku hay Allgalgaduud Media

Allgalgaduud@gmail.com