Dhageyso: Col. Cabdiqani Ibraahim “Kismaayo Waxaa Haysta Reer Cabdille, Maamulna Kama Jiro, Waana Isaga Baxnay Hadaa Nahay Maqaabil”.

0

Kismaayo (AGGM): Waxaa isa soo taraya ciidamada isaga soo baxaya magaalada Kismaayo ka dib markay isku dhacaan maleeshiyo beeleedka Raaskambooni ee uu hogaamiyo horjooge Axmed Madoobe.

Waxaa doraad isaga soo baxaya magaalada Kismaayo ciidamo uu hogaaminayo Col. Cabdiqani Ibraahim ka dib markii ay u dulqaadan waayeen falalka waxuushnimada ah iyo gabood falka ay geesanayaan maleeshiyo beeleedka Raaskambooni.

Waxaa sidoo kale todobaadki hore  isaga baxay magaalada Kismaayo oo fariisin ka sameeystay deegaanka Qandal ciidamo u badan beesha Majeerteen oo ka carooday hab dhaqanka horjoogeyaasha iyo maleehsiyo beeleedka Raaskambooni.

Isku soo wada duuboo Col. Cabdiqani Ibraahim oo kamid ah saraakiisha hoggaaminaysa ciidamadan isaga baxay magaalada Kismaayo ayaa waxa uu sheegay in qorshaha magaalada ay uga baxeen uu yimid kadib markii ay arkeen inaysan jirin wax maamul ah oo la yiraahdo Jubbaland balse waxa Kismaayo ka socda ay yihiin oo kaliya qabiil iyo urur oo geesanaya falal waxuushnimo ah oo godob sookeeye oo aan hareeyn reebay.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com