Warbixin+Dhageyso: Wax Shir Ah Oo Iminka Ka Socda Degmada Doolow Majiro, Maxaase Sabab U Ah In Shirka Istaago?

0

Doolow (AGGM):Wararka naga soo gaaraya degmada doolow ayaa waxa ay sheegayaan in shir dhawaanahan ka socday degmada Doolow ayna ka soo baxeen qodobo horudhac ah uu iminka gabi ahaantii shirkaa hakad ku yimid.

Warka ayaa intaasi waxa uu ku darayaa kadib marki shirka ay ka soo baxeen qodobo horudhac ah in magaalada Muqdisho si deg deg ah looga yeeray Abaanduulaha ciidamada Xooga Gen. Cabdirisaaq Khaliif Cilmi si deg deg ahna uu uga baxay degmada Doolow kuna gaaray magaalada Muqdisho.

Gen. Cabdirisaaq Khaliif ayaaka dib u ambabaxay dalka Itoobiya oo maalmihi la soo dhaafay uu ku sugnaa magaalada Addis Ababa, waxa uuna soo magaacabay gudi 12 ruux ah si ay u gaaraan degmada Doolow unna sii wadaan shirka balse waxaa ka biyo diiday arintaas ergada shirka isugu timid oo ka codsaday Gen. Cabdirisaaq Khaliif inuu isagu ku soo laabto shirka si loo dhaqan galiyo dhamaan qodobadi horudhaca ahaa ee lagu heshiiyay  loogana sii wadahadlo wax alle waxii dhiman.

Waxaa la filayaa dhawaan in Gen. Cabdirisaaq Khaliif iyo wafdi uu hogaaminayo ay soo gaaraan degmada Doolow markaa ka dib ayuuna furmayaa shirka Doolow oo lagu sii lafa gurayaa waxaa dhiman.

Wararka sheegaya amaba ay baahinayeen maalmahan qaar ka mid ah warbaahinta Soomaalida ee sheegaya in weli uu ka socdo shir degmada Doolow ayaa dhamaantood waxa ay yihiin kuwo been abuur ah oo lagu jahwareerinayo bulshada, waxaa xaqiiqo ah in iminka wax shir ah uu ka socon degmada Doolow, balse weli waa ay ku sugan yihiin ergooyinka matalayay labada garab ee is haya waxa ayna sugayaan abaanduulaha Ciidanka Gen. Cabdirisaaq Khaliif Cilmi iyo wafdiga uu hogaaminayo ee dhawaan imaanaya magaaladaasi.

Dhinaca kale shirka qabyada ah ee dib uga furmaya dhawaan degmada Doolow ayaa habayaraato’e wax shuqul ah aysan ku laheyn waxa loogu yeero maamul Jubba, shirkan ayaa waxa uu dhexeeyaa dadka daga gobolka Gedo, wax la yiraahdo maamulka Jubba-na kama ay shaqeeyaan gobolka Gedo.

Isku soo wada duuboo garab ka mid ah garabyada la filayo inay dhawaan u fadhiistaan wejiga labaad ee wadahadalada degmada doolow ayaa waxa ay wadaan maaweelin iyo jahwareerin waloow garabka kale ee ka soo horjeedana ay si wanaagsan uga dharagsan yihiin dhagarta ay maleegayaan iyo been abuurka ay ku baahinayaan warbaahinta aan waxba hubsan.


Fiiro Gaar Ah:

1- Halkaan Guji Kana Dhageyso Gen. Cabdirisaaq Khaliif Cilmi Oo Sheegaya Cida Uu U Dhexeeyo Shirka Doolow, Islamarkaana Digniin U Diraya Kuwa Qaswadayaasha Ah Ee Isku Diraya Dadka Deegaanka Iyo Kuwa Ku Soo Duulay.

2- Halkan Guji Kana Dhageyso Wareysi maanta Idaacada Gal-jubba Ay La Yeelatay Col. Cabdi Buule Cabdille Kana Warbixiyay Waxa Ka Socda Degmada Doolow.

Waxii Ka Soo Kordha Wararka Shirka Doolow Kala Soco Allgalgaduud Media

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com