War Deg Deg Ah: Odayaasha Dhaqanka Iyo Siyaasiyiinta Beesha Hawiye Oo Hadda Shir Uga Furmay Magaalada Muqdisho.

0

Muqdisho (AGGM): Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in Odayaasha dhaqanka iyo Siyaasiyiinta beesha Hawiye uu hadda shir uga furmay magaalada Muqdisho.

Shirkan ay isugu yimaadeen odayaasha iyo siyaasiyiinta beesha Hawiye ayaa waxa lagu lafa gurayaa beesha Hawiye xiriirka ay la leedahay dowladda Soomaaliya.

Ilo wareed iminka ku sugan madasha shirka ayaa waxa uu u sheegay Warbaahinta Allgalgaduud Media in odayaasha dhaqanka qaarkood inay soo jeediyeen in dowladda xiriirka loo jaro maadaama aysan dowladda waxba u qaban beesha Hawiye.

Odayaasha iyo siyaasyiinta abdankood ayaa waxa ay dhaliilayaan in dowladda aysan bataatanba qaban inta badan hoowlihi shaqo ee loo idmaday, islamarkaana ay ka jirto sinaan la’aan baahsan xaga awood qaybsiga beelaha.

Waxii Ka Soo Kordha Warkan Kala Soco Wararka Dambe Ee Allgalgaduud Media.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com