Qarax Xalay Ka Dhacay Magaalada Gaarissa Ee Dalka Kenya.

0

Garissa (AGGM): Hal qof ayaa ku dhintay, afar kalana way ku dhaawacmeen qarax xalay ka dhacay magaalada Gaarisa ee xarunta gobolka waqooyi bari ee dalka Kenya.

Madaxa waaxda dambi baarista (CID) ee gobolka waqooyi ee Kenya, Muse Yego ayaa u sheegay wargeyska Daily Nation ee ka soo baxa magaalada Nairobi in dad aan la garaneyn ay wax loo maleynayo bambo ku tureen garaash ku yaalla magaalada.

Qof goob joog ahaa ayaa sheegay in tuhmanayaashu ay saarnaayeen mooto ku socotay xawaare sare marka ay bambada ku tuurayeen garaashka, wuxuuna intaas ku daray in dadka uu haleelay qaraxu ay yihiin shaqaalihii garaashka.

Ciidamada ammaanka ayaa Gaarisa ka wada howlgal baaritaan ah oo aan la sheegin cid lagu qabtay.

Gaarissa ayaa horay loola beegsaday qaraxyo khasaare sababay oo u dambeeyey mid laba toddobaad ah ka dhacay oo ugu yaraan hal qof uu ku dhintay.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com