Dhambaal Tacsiyeed: Innaa Lillaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun Marxuumad Ceebla Cismaan Bucul.

0

Dhambaal Tacsiyeed: Innaa Lillaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun, waxaa xalay oo ay taariikhdu ahayd 01/06/2014 magaalada Garbahaarey ku geriiyootay Allaha u Naxariistee Marxuumad Ceebla Cismaan Bucul.

Dhamaan bahweynta Allgalgaduud Media, maamulka iyo shaqaalaha Anaga oo ka tiiraanyonayna geerida naxdinta leh ee ku timid Allaha u Naxariistee Marxuumad Ceebla Cismaan Bucul, waxaan dhambaal tacsiyeed oo tiiraanyo leh u direynaa dhamaan Reer Cismaan Bucul, Reer Sheekh Cali Ciye gaar ahaan Maxamuud Sheekh Daahir Sheekh Cali Ciye, Xaaskiisa iyo Caruurtiisa,waxaana Allaah Subxaanahu Watacaalaa ka baryaynaa inuu samir iyo iimaan ka siiyo Allaha u Naxariistee Marxuumad Ceebla Cismaan Bucul, waxaan kaloo Allaah Subxaanahu Watacaalaa ka baryaynaa inuu Marxuumad Ceebla Cismaan Bucul janadi fardowza ahayd ka waraabiyo. Aamiin Aamiin Aamiin.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com