Dhageyso:Taariikhda Sarkaalki Is Hortaagay Kooxdi Weerartay Baarlamaanka Soomaaliya Marxuum Dhame Daahir Gurxan Maxamuud.

0

Muqdisho (AGGM): Weerarkii Al-shabab ay ku qaaday baarlamaanka Soomaaliya 24-kii bishii lasoo dhaafay ayaa waxaa si weyn difaaca xildhibaannada uga qeyb qaatay askari lagu magacaabi jiray Daahir Gurxan Maxamuud.

Dhame Dahir ayaa isu dhigay oo xayiray gaarigii walxaha qarxa lagu soo buuxiyay ee ay Al-shabab la beegsatay albaabka xarunta baarlamaannka, halkaa ayuuna ku dhintay.

Soomaali badan ayaa u riyaaqday geesinnimada askarigaasi, waxaana sawiradiisa ay qabsadeen baraha bulshada gaar ahaan barta facebook.

Waxa sidoo kale amaanay askerigaasi, madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamud.

Abdirisaaq Gurxan Maxamud waa nin la dhashay dhamahaasi dhintay, waxa uu ku noolyahay magaalada Minneapolis ee dalka Mareykanka.

Halkan ka dhagayso wareysi ay BBC la yeelatay walaalka Dahir:

maxa

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com