Dhageyso:Sargaal ka tirsan Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo la dilay

0

 Muqdisho(AGGM):Taliyaha Qeyvta Booliska Gobolka Shabellaha Hoose Cabdi Ibraahin Shaamow Cabdi Dheere oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Ciidamada Booliska ay Baaritaano ku hayaan Dilkii loo geeystay Yuusuf Cali Indhoole oo lagu Dilay Deegaanka Texsiile ee Degmada Afgooye hoostaga.

Cabdi Ibraahin Shaamoow ayaa sheegay in Sargaalka la dilay uu soo weeraray Ciidamo ku sugnaa Degaanka Texsiile ee Gobolka Shabellaha Hoose islamarkaana uu Weerarkaasi ku Geeriyooday.

Sargaalkaan ayaa ka mid ahaa Ciidamada Milatariga Soomaaliya,waxaana uu Dagaal la galay Ciidamada Soomaaliya Tiro dhowr jeer ah.

Wali Saraakiisha Ciidamada Milatariga Soomaaliya ka mahadlin Dilka saaka loo geeystay Yuusuf Cali Indhoole oo ka mid ahaa Ciidamada XDS.

Halkaan Hoose ka dhageyso Warbixin kooban.