Dhageyso: Siilaanyo oo sheegay inuu yahay murashax u taagay xisbiga Kulmiye.

0

Hargeysa (AGGM): Madaxweynaha maamulka Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa sheegay in uu yahay murashax u taagan xisbiga Kulmiye, isla markaana uu diyaar u yahay in lala tartamo.

Siilaanyo ayaa sheegay in dastuurka u yaalla maamulka Somaliland uu dhigayo in mar labaad uu isu soo taagi karo xilka madaxweynennimo ee maamulka.

Madaxweynaha maamulka Somaliland Siilaanyo waxa uu xusay in uu ka xun yahay khilaafka soo kala dhex galay mas’uuliyiinta xisbiga Kulmiye, isagoo tilmaamay in guddi loo saaray turxaan-bixinta khilaafkaas.

Siilaanyo ayaa dhanka kale shacabka u soo jeediyay in ay ka shaqeeyaan nabadgelyada, isagoo cambaareeyay qaraxyo dhowaan ka dhacay magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka Somaliland.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com