Dhageyso: Dowladda oo Guul ka sheegatay Dagaal ka dhacay Hiiraan

0

Baledweyne(AGGM): Maamulka Gobolka Hiiraan ee Bartamaha Soomaaliya ayaa ka hadlay Dagaal ka dhacay Qeybo ka mid ah Gobolka Hiiraan oo dhex maray Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Al-shabaab.

Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan C/fitaax Xasan Afrax oo la hadlay Idaacada Gal-jubba ayaa sheegay in Dagaal ka dhacay Meel u dhaw Degmada Buulabarde  ee Gobolka Hiiraan ay Guulo ka gaareen Ciidamada Dowladda Soomaaliya.

Mudane Afrax ayaa sheegay in Ciidamada Dowladda Soomaaliya ay Guulo ka soo hooyeen Dagaalka ay la galeen Al-shabaab islamarkaana Dagaal yahano ka tirsan Al-shabaab Qaarna ay dileen kuwa kalana ay Qabteen.

Dhanka kale wax war ah kama soo bixin Dhadhaqaaqa Al-shabab oo ku aadan Dagaalka Maamulka Gobolka Hiiraan ee Bartamaha Soomaaliya uu Guulaha ka sheegtay.

Halkan Hoose ka dhageyso warbixin Kooban

Isha ku hay Allgalgaduud Media

Allgalgaduud@gmail.com