Balad-Xaawo: Maleeshiyada Doolow Oo Xalay Weeraray Guriga Nabadoon Idiris Maxamed Isagoo Ka Maqan.

0

Balad-Xaawo (AGGM): Wararka naga soo gaaraya magaalada Balad Xaawo ayaa waxa ay sheegayaan in malesshiyaadka Doolow ay xalay weerareen guriga Nabadoon Idiris Maxamed ee magaaladaasi.

Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa in maleeshiyaadka Doolow ay xalay weerar ku qaadeen guriga Nabadoon Idiris Maxamed isagoo ka maqan marka ay weerarayeen.

Nabadoon Idiris Maxamed ayaa markuu ka war helay in maleeshiyaad ay joogaan gurigiisa waxa uu xiriir la sameeyay ciidamada amaanka degmada Balad-Xaawo iyo Ciidamada AMISOM ee Itoobiya ee fariisimiha ku leh magaaladaasi, islamarkiiba ciidamada amaanka Balad-Xaawo ee fariisintooda tahay Saldhiga Booliska oo aan sidaa uga fogeen guriga Nabadoonka ayaa waxa ay usoo direen ciidamo, markay ay ciidamada amaanka soo gaareen guriga Nabadoon Idiris Maxamed ayaa waxaa maleeshiyaadki ay ku fureen Rasaas, ciidamada amaanka magaalada Balad-Xaawo ayaa dhankooda wax rasaas ah ugu jawaabin maleeshiyaadka rasaasta ku soo ridayay.

Ciidamada amaanka Balad-Xaawo ayaa waxa ay hubsadeen cida ay yihiin maleeshiyada Rasaasta ku soo ridaya waxayna aqoonsadeen in ay yihiin maleeshiyaadki Doolow ee mudo ku sugnaa degmada BaladXaawo.

Maleeshiyaadka Doolow markay arkeen in aan wax xabad ah loogu jawaabeen ayay xabadi joojiyeen kadibna waxaa la hadlay ciidamada amaanka magaalada Balad-Xaawo oo weeydiiyay waxa ay u joogaan guriga Nabadoon Idiris Maxamed, waxaana ilaa hadda socda baaritaano iyo su’aalo ay si wadajir ah u wadaan Ciidamada AMISOM iyo ciidamada amaanka BaladXaawo oo la weeydiinayo maleeshiyada Doolow waxa ay ka qabanayeen guriga Nabadoon Idiris Maxamed iyo sababta ay rasaasta ugu rideen ciidamada amaanka ee magaalada Balad-Xaawo.

Isku soo wada duuboo dhawaan ayay ahayd marki Nabadoon caan ka ah gobolka Jubbooyinka lagu dilay gudaha magaalada Balad-Xaawo ilaa haddana ma ay jirto cid loo soo qabtay dilkiisa.

Waxii kasoo kordha Warkan kala soco Allgalgaduud Media

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com