Soomaaliya Oo Uu Ka Dhacay Inqilaab Farsameysan! Dastuur, Xukuumad Iyo Baarlamaan Federaal Ah Oo Lagu Boobayo Oo Lagu Maamulayo Qabaailo Iyo Magaalooyin Gaar Ah.

0

Dalka Soomaaliya waxaa ka dhacay Inqilaab xeeladeysan oo wata magaca Dastuur, Xukuumad iyo iyo Baarlamaan Federaal ah, inqilaabkaan xeeladaysan wuxuu talada dalka gacanta u geliyey qabaailka iska leh Maamulada la sheego inay kamidka yihiin Federaalka Soomaaliya oo kala ah Puntland, Somaliland iyo MKG ah ee Juba.

Caasimada Dalka Muqdisho waxaa saldhig ka dhigtay Baarlamaan, Xukuumad iyo Madaxweyne isku magacaaba inay masuul ka yihiin dalka Soomaaliya balse masuuliyadoodu kusoo koobantay kaliya magaalada Muqdisho.

Dalka Soomaaliya wuxuu leeyahay 4 dekadood iyo garoomo kala duwan, Dekadahaas oo kala ah Dekeda Berbera, Boosaaso, Nuqdisho iyo Kismaayo, sidoo kale dalku wuxuu leeyahay Garoomo kala duwan oo ay ugu waaweyn yihiin Garoomada Muqdisho, Hargaysa, Gaalkacyo, Kismaayo, Baydhabo iyo kuwo kale.

MUQDISHO MAXAA KA JIRA?

Dawladda Federaalka Soomaaliya waxaa ay Maamushaa oo Kaliya Daqliga kasoo xarooda Dekeda, Garoonka iyo Canshuurta Ganacsatada Muqdisho, Dawladda Federaalku dhaqaalaha Muqdisho oo ay maamusho waxba uguma qabato dadka canshuuraha laga qaado, Lacagtaa waxaa qeybsada:

·Baarlamaan ka kooban 275 xildhibaan oo inta badan Gobolada ay ka yimideen Maamulo ka jiraan, ilaha dhaqaalaha Maamuladaana aan dawladda wax kasoo gaarin, Xubnaha Baarlamaanka hadda Mushaar waxay ka dhigteen Bishii 5000 Doolar iyo Gunooyin kala duwan.

· Miisaaniyadda Xukuumada loo qeybsaday 5-ta beelood, lacagtu waxaa ay ku baxdaa Wasiiradda wasaaradaha iyo asxaabtooda oo degan Hoteelo qaali ah, Miisaaniyadda wasaarad kasta loo qorsheeyo waxaa ay ku baxdaa shaqaalo wasiiradu qabiilnimo ku qorteen, Miisaaniyadda Wasaaradaha kama mid ah Shaqaalaha Isbitaalada iyo Iskuulaadka Muqdisho, Miisaaniyadda Daawo looguma gado Isbitaalada, Qashinka loogama qaado Magaalada, Koronto iyo Biyo laguma siiyo Shacabka Muqdisho.

· Xafiiska Madaxweynaha, Raisul Wasaaraha iyo Gudoonka Baarlamaanka dhamaan miisaaniyada u qoran waxaa ay ku baxdaa shaqaalaha 3daas xafiis iyo adeega ay u baahan yihiin.

HARGEYSA MAXAA KA JIRA?

Hargaysa waxaa ay caasimad u tahay maamul la baxay Somaliland, sheegay inuu Soomaaliya ka go,ay 1991-dii, Maamulkaa wuxuu qaataa Canshuurta Dekeda Berbera, Garoomada kala duwan iyo Ganacsatada ku nool Gobolada Maamulkaa hoos taga oo kala ah W/Galbeed, Togdheer, Awdal, qeybo kamid ah Sool iyo Sanaag.

Maamulkaa miisaaniyadiisa waxaa ay ku baxdaa:-

· Baarlamaan ka yimaada Gobolada maamulkaas hoos taga oo Canshuurta laga qaado.
· Xukuumad ka timaada gobolada Maamulkaas hoos taga oo Canshuurta laga qaado
· Xafiiska Madaxweynaha Somaliland oo run ahaan u maamula gobolada hoos taga.

GAROOWE MAXAA KA JIRA?

Garoowe waxaa ay caasimad u tahay maamul la baxay Puntland, sheegay inuu Soomaaliya kamid yahay af ahaan, balse aan dawladda Federaalka ah waxba la wadaagin, ugana bedelneyn maamulka Somaliland, Maamulkaa waxaa la dhisay 1998-dii, Maamulkaa wuxuu Canshuuraha ka qaataa Dekeda Boosaaso, Garoomada kala duwan iyo Ganacsatada ku nool Gobolada Maamulkaa hoos taga oo kala ah Bari, Nugaal,, qeybo kamid ah Mudug, Sool iyo Sanaag.

Maamulkaa miisaaniyadiisa waxaa ay ku baxdaa:-

· Baarlamaan ka yimaada Gobolada maamulkaas hoos taga oo Canshuurta laga qaado.
· Xukuumad ka timaada gobolada Maamulkaas hoos taga oo Canshuurta laga qaado
· Xafiiska Madaxweynaha Puntland oo run ahaan u maamula gobolada hoos taga.

KISMAAYO MAXAA KA JIRA?

Kismaayo waxay xarun u tahay maamul gobolada uu sheeganayo gacantiisa ku jirin oo lagu magacaabo MKG ah Juba, Maamulkaa waxaa la dhisay iyada oo ay jirto Dawladda Federaalka Soomaaliya, oo aan lagala tashan Dawladda, Wasiir kamid ah dawladda ayaa maamulka aqoonsaday, saxiixayna jiritaanka Maamulkaas, Maamulkaa wuxuu Canshuuraha ka qaataa Dekeda Kismaayo, Garoonka iyo Ganacsatada ku nool Gobolka Maamulkaa hoos taga oo ah Jubadda Hoose marka laga reebo Degmada Jamaame oo Al Shabaab maamulo, Gobolka Jubadda Dhexe gebi ahaan waxaa haysta Alshabaab balse dawladu waxaa ay u aqoonsan tahay inuu hoos tago MKG ee Juba, Gobolka Gedo degmooyin kamid ah waxaa heysta qabaailo dawladda taageersan, qeybna weli waxaa heysta Alshabaab sida degmada Baardheere.

Maamulka Canshuurta uu qaado waxaa ay ku baxdaa:-

· Xukuumad MKG ah ee Juba hoos tagta.
· Xafiiska Hogaamiyaha MKG ah ee Juba oo Maamula Kismaayo
· Ciidamada Jabhadda Kaanbooniyiinta oo Maamulkaa hoos tagta.

GOBOLADA KALE EE SOOMAALIYA.

Gobolada kale ee Dalka waxaa jooga masuuliyiin ay magacaabeen Madaxda DF Soomaaliya, magacaabid waxaan ahayn dawladu uma qabato, canshuuraha yar yare e kasoo xarooda Goboladaas Maamulada ka jira ayaa isticmaala. Goboladaan kale waa gobolo ay ku dhacday dhibaato iyaga u gaar ah. Caalamku wuxuu kala xiriiraa DF Soomaaliya xukuumadeede 5-ta Beelood ka kooban, Xukuumadaasna waxba uma qabato, iyagana talo lama weydiiyo, sida aad aragtaana goboladaan waxaa ay kadib dhaceen gobolada kale ee Soomaaliya.

Hadaba aqristow inqilaabka dhacay ayaa ah in Maamulada kala ah Somaliland, Puntland iyo MKG ah ee Juba ee haatan sida qasabka ah lagu wado in qabaailka degan goboladaas Maamushaan goboladooda, canshuurahooda, haddana dad metelaya qabaailkaasi kamid yihiin Baarlamaanka iyo Xukuumada Federaalka, xubnahaani waxaa si siman ula maamulaan dhaqaalaha iyo go,aan ka gaarista Muqdisho iyo Canshuuraheedaba, xubnahaani waxaa ay Muqdisho ka ilaalinayaan degenaanshaha siyaasadeed.

Dhaqaalaha Maamulada Puntland iyo MKG ah ee Juba ayaa hadda loo isticmaalayaa inaan Muqdisho sal dhigan , degenaansho siyaasadeed helin, sidoo kale Maamula aan kor ku xusnay waxaa ay xaqiijiyeen in Talada Muqdisho wax ka maamulaan, yalada goboladooda gaar u ahaato, hadda xaalku wuxuu marayaa qorshaha HIGSIGA CUSUB ee 2016 in taladiisa ay lahaadaan DF Soomaaliya oo lagu mideysan yahay, Maamulka Puntland iyo MKG ah ee Juba.

Qorshaha Noocaan ah ayaa ka dhigan inqilaab taladaada iyo dhaqaalahaaga lagula wadaagayo iyada oo magaca Federaal la sheeganayo, haddana markii arintu noqoto go,aan gaaris iyo maamulid dhaqaale in haddana qabaailka goboladaas dega u madax banan yihiin dhaqaalahooda iyo Canshuurtooda.

Inqilaabkaan farsamaysan wuxuu keenayaa in talada Dalka go,aan ka gaaraan xubnaha Baarlamaanka iyo xukuumada kasoo jeeda qabaailada dega gobolada aan hoos imaanin Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Akhristow haddii aad ogeyd inqilaab Milateri oo dalka ka dhacay 1969, inqilaabkaa oo xaqiiqdii dalka soomaaliya gaarsiiyey horumar la taaban karo inkasta oo dhaliilo jireen haddana haatan waxaa dhacay Inqilaab farsameysan oo caqli ah, dadka inqilaabkaa lagu sameeyeyna weli hurdayaan, garan la,yihiin meesha laga heysto, Inqilaabkaani wuxuu saameeyey Gobolo Badan oo dalka intiisa kale ka haray.

Isweydii akhristow Maxaa Muqdisho Ka bedelay Gobolada Kale ee Soomaaliya, Maxaase Federaalka Soomaaliya ka bedelay Federaalka Caalamka ka jira, Nairobi waa Caasimadda Kenya haddana waxaa ay kamid tahay 47 gobol oo Federaalka Kenya ka kooban yahay, sidoo Kale Washington Waa caasimada Maraykanka haddana waxaa ay kamid tahay 50-ka state ee Maraykanka ka kooban yahay.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com