Dhageyso: Nabadoon Maxamed Xasan Xaad Oo Ka Warbixiyay Safarkooda Somaliland.

0

Hargeysa (AGGM): Nabadoon Maxamed Xasan Xaad oo hoggaaminaya waxgaradkan ayaa meesha ka saaray warar sheegayay in Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud uu soo diray, balse wuxuu qiray in iskood isu soo xil qaameen si ay u indha indheeyaan nabadgelyada iyo xaalada Somaliland.

Wafdigan ka socda Muqdisho ayaa waxay la kulmeen 48 oo ka kooban Isimada, Garaadada, Suldaano iyo waxgaradka Somaliland, waxayna labada dhinac isdhaafsadeen ra’yi ku aadan labada shacab iyo sida la isugu soo dhowaan karo.

Nabadoon Xaad oo u waramayay BBC-da ayaa Sheegay Inay Mudo Dheer kadib Guul u tahay Inay la Kulmaan wax garadka Hargeysa Oo uu Sheegay Inay wax badan ka Dhaxayaan Isla Markaasina kala Hadleen Xirirka dhaqanka Muqdisho Iyo Hargaysa.

Xaad Ayaa Intaasi ku daray Inay Macquul tahay Inay la Kulmaan madaxda Maamulka Soomaaliland isla Markaasina Kala hadlaan arimaha Nabad galyada Iyo waliba Xirirka Dhex mara Labadani Dhaqan.

Sikastaba ha ahaatee waxa baryahani ugu hadal haynta badan Ayaa Ah inay hal mar Isimadii Ugu magaca Weyna Muqdisho lagu Arko Iyagoo Dhex tagan magaalada Hargeysa Oo lagu xiri Jirey masuulinta Dowladda Soomaaliya.

Isha Ku Hay Allgalgaduud
allgalgaduud@gmail.com