Dagaal Beeleedyo Dib Uga Soo Cusboonaanaya Gobolada Uu Booqday Raisul Wasaare Cabdiweli Dib U Heshiisiin Mise Colaad?

0

Muqdisho (AGGM): Raisul wasaare Cabdiweli ayaa la sheegayaa in safaradiisii ugu danbeeyay ee uu ku tagay Magaalooyinka Kismaayo iyo Marka uu ujeedkoodu ahaa in labadaas gobol dib looga dhaliyo Colaad cusub.

Raisul Wasaare Cabdiweli ayaa Kismaayo kula kulmay oo kaliya kooxda Ahmed Madoobe ee kaanbooniyiinta, isagoo halkaa kasoo dhigay riwaayad loogu magac daray dib u heshiisiin balse ujeedkeedu ahaa in lasii kala fogeeyo kooxihii iyo qabaailkii ku dagaalamay Kismaayo.

Safarkii Raisul wasaaraha uu Kismaayo ku tagay ka bacdi waxaa Gobolka Gedo ka bilaawday dagaalo daba socday safarkii Raisul wasaare Cabdiweli uu ku xoojinayay colaadaha Gobolada Jubooyinka iyo Gedo.

Gudoomiyaha Degmada Dooloow Cabdirashiid Janan ayaa maliishiyo uu hogaaminayo waxaa ay weerar ku qaaday
Safarkii labaad ee Raisul wasaare Cabdiweli ku tagay Gobolka Sh/hoose gaar ahaan Magaalada Marka ayaa ahaa mid colaad abuur ah, maadaama wasiir ku xigeenka Gaashaandhiga Cabdalla uu horey usii waday nin lagu magacaabo Mohamed Hassan oo ku xigeen ugu magacaaban Kooxda 3da gobol ee koofur Galbeed oo Gudoomiyahoodii Shariif Hassan loo diiday inuu galo magaalada Baydhabo.

Raisul wasaare Cabdiweli ayaa Marka kula kulmay beesha Biimaal kaliya kadib markii dhamaan odoyaasha beelaha kale sida Banaadiriga, Hawiyaha, Digil iyo Miriflaha ay fariin uga timid maliishiyaadka Alshabaab oo si dadban u maamula magaalada Marka, Maliishiyaadka Alshabaab ayaa u ogolaaday odoyaasha Beesha Biimaal, Xildhibaanadooda la hadlaan waftiga Raisul wasaaraha maadaama beeshu ku hadlayso danta Xarakada Alshabaab.

Odoyaashii Beelaha kala ah Hawiye, Banaadiri iyo Digil/Mirifle oo horey ula kulmay Raisul wasaare Saacid iyo Madaxweyne Hassan Sheikh ayaa intooda badan lagu qaarajiyey Magaalada Marka oo uu Mr Yariisoow Maamulo,odoyaashaas waxaa kamid ah Maxamud Kuulow Aweys (Banaadiri), Garweyne Waraabe (Banaadiri) Cumarow (Banaadiri), Cabdiyow Cali Xasan (Hawiye/Abgaal), Cali Shariif (Digil/Gare).

Qodobada odoyaasha Dhaqanka Beesha Biimaal iyo Xildhibaanadoodu u sheegeen Raisul wasaare Cabdiweli waxaa kamid ahaa:-

1- In Ciidamada Milateriga ee degan iskuulka alraxmaan ee magaalada Marka, Ciidanka Degan Shalanbood, Janaale, Kabtanlaas iyo Qoryooleey laga bixiyo Gobolka Sh/hoose.

2- Ciidamada Guuto 3-aad iyo 5-aad ayay sheegeen in laga saaro gobolka Sh/hoose maadaama ciidamaa u badan yihiin beesha Hawiye iyo Digil/Mirifle.

3- Odoyaasha ayaa u sheegay inaysan garaneyn sababta uu u yimid maadaama masuuliyiintii hortiis timid waxba qaban waayeen, isaguna uu lamid yahay kuwii dalxiiska ku imaan jiray gobolka.

Raisul wasaaraha ayaa u sheegay beesha Biimaal in masuuliyiintii isaga ka horeysay ku fashilmeen in gobolka wax ka qabtaan sida Raisul wasaarihii hore Dr Saacid iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Prof Hassan Sheikh.

Gudoomiyaha Magaalada Marka Maxamed Cismaan Yariisoow ayaa shalay hanjabaad u diray Gudoomiyaha Shalanbood iyo Ciidanka Xooga dalka ee Shabaabka ka saaray G/sh/hoose, Hanjabaada iyo colaad abuurkaan cusub ayaa imaanaya kadib safarkii shakiga lahaa ee Raisul wasaare Cabdiweli iyo wasiir ku xigeenka Gaashandhigu ku tageen Magaalada Marka.

Maliishiyaadka Yariisoow, Waafoow ayaa ku sugan KM50, KM60 iyo Magaalada Marka, Maliiashiyaadkaas shabaabku ma ugaarsado waxaana jira xiriir aan qarsooneyn oo u dhaxeeya shabaabka iyo Maliishiyada Yariisow iyo Waafoow.

Ciidamo Booliis ah oo ku sugan saldhiga Marka ayaa ugaarsi joogto ah waxaa ay kala kulmaan Maliishiyada alshabaab, ciidamadaas oo sidii ay Marka u tageen laga dilay in ka badan 10 askari.

Ciidamada AMISOM eek u sugan Marka ayaa iyana la kulma qaraxyo joogto ah oo ay ka danbeeyaan xarakada alshabaab oo xiriir dhow la leh gudoomiyaha Magaalada Marka.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com