Xog: Shirar hoose oo ka soconaya xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya.

0

Muqdisho (AGGM): Wararka laga hellayo xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya ayaa sheegaya in saacadihii aynu soo dhaafnay halkaa ka soconayeen kulamo xiriir ah oo looga arsanayaya sidda laga yeellayo baaqii dhawaan ka soo yeeray xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya qaarkood oo madaxweynaha ugu baaqay in uu is casillo.

Wararku waxaa ay sheegayaan in kulmadaasi u dhaxeeya siyaasiyiin, xildhibaanno iyo waliba saraakiil siweyn ugu dhaw dhaw madaxweynaha, waxaa intooda badan looga hadllayaa sidda ugu suurtagalsan ee loo joojin karo xiisada siyaasadeed ee xiligan ka dhax oogan dowladda Soomaaliya.madaxtooyada-soomaaliya

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya oo dhawaan la kulmay xildhibaannada ugu baaqay in uu xilka ka dego oo ka guddoomay warqad qoraal ah oo ay u gudbiyeen, ayaa dhinaca kale ugu baaqay in ay sharciga ilaaliyaan oo aysan ku xad-gudbin dastuurka dalka.

Kulamada la sheegay in ay ka soconayaan xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya qeyb kama ah xildhibaannada u jeediyay madaxweynaha in uu is casillo , laakiin waxaa ka mid ah oo ay ka qeyb-qaadanaya xildhibaannada fikir ahaan ka soo horjeeda in madaxweyne Xassan Sheekh uu shaqado xafiisk ka tago, kuwaa oo la doonayo ugu yaraan in ay saaxiibadood ku qanciyaan ka laabashada go’aanka ay qaateen.

Sidoo kale, waxaa ay kulamada soconaya yihiin kuwo la doonayo in lagu kala dhan-taallo xildhibaannada baaqan soo jeediyay si marka ay baarlamaanka mooshin u geeyaan u waay aan tiradii ay u baahnaayeen.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com