Maleeshiyaadka Raaskambooni oo dad ku dhaawacay Dhoobleey

0

Dhoobleey(AGGM):Wararka naga soo gaaray Dhoobleey ayaa sheegay in Maaleeshiyo Beeleedka Raaskambooni ay dhac iyo boob u geysteen dadka halkaas ku ganacsada

Wariye ku sugun Degmad dhoobleey ee J/hosse oo la hadlay Radio Gal-jubba ayaa sheegay in maleeshiyaadka raaskambooni ay dhaceen ilaa seddex dukaan oo halkaas ku yaalay asagon xusay in sidoo kale ciidamada Axmed Madoobe ay Dhaawac u geysteen labo ruux oo halkaas ku sugnaa

Ciidamada maleeshiyaadka Axmed Madoobe ayaa deeganada ay gacanta ku hayaan waxay dhibaato xoogan ugu geyteen shacbka halkaas  ku dhaqan

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media

allgalgaduud@gmail.com