MADAXWEYNE XASAN SHEEKH HA KA MURMIN INAAD FASHILANTAY! W/Q. Faarax Maxamed (Sabool Koriye )

0

Maalinba maalinta kale ee Ka dambaysa ayaan Ka filayay maamulka xukuumadda muqdisho ee Xasan Sheekh inay Ka soo rayso ,dawaysana xanuunadii tirada badnaa ee dhan walba Ka naafeeyay ummadda soomaaliyeed dad ahaanna u duntay, baahideeda ugu weyn AMA daawadeedu waa kabis iyo garasho hoggaamineed Oo sarraysa Oo ku qotonta daacadnimo cadaalad iyo wadaniyad,waa taa ta Aan is lahaa waa loo helayaa haddii Laga xoroobay waqtigii ku meel gaarka ahaa , waxaase Ii muuqata Inay gacanta u gashay qofof Aan u damqanayn aayaha dhaw iyo Ta fog ee soomaalida dad ahaan u duntay.

Waxaa Ii muuqata in Laga lunsan yahay sidii loogu soo celin lahaa ummadda xeer iyo kala dambayntii Isu keeni lahayd, aragtidayduna ma aha mid Eedda dusha Ka saaraysa shacabka sida Ay siyaasiin badani qabaan, shacabku ma xuma haddaan hoggaanku xumayn aragtidaydu waxay farta ku fiiqaysaa shakhsiyaadka AMA qofofka gacanta u taagtay inay Madax noqdaan soomaalida sida (Madaxweyne) guddoon baarlamaa-guddoomiye iyo araajiyada Wasiirka koobaad iyo qofofka u soo tafa xaytay Aniga halayga dhigo anaa raba kursiga Masuuliyadeed waa ku waas Kuwa Aan tilmaamayo iyo Kuwa jideeyay ee fududeeyay inay gacanta u geliyaan shakhsiyaadkan hanan waayay hoggaaminta ummadda , waxaa kaloo leh eed oo Aan dusha uga tuurayaa golaha barlmaanka dastuur qabyadeedka qeexaya kala dhantaalidda midnimada iyo federaalka maamul ee goob goob iyo jifo jifo ku salaysan Ee is Daba wareegga ah iyo qaranimadii 4.5 qabiileed lagu dhex milay jideeyay.

Isku soo wada duuboo eedda waxaan dusha Ka saarayaa hoggaan xumo muuqata Oo aad u liidata iyo xilkasnimo xumo iyo ballan qaad Aan fulin lahayn Oo ah jileec hoggaamineed ee xukuumadda Xasan Sheekh waa Ay muuqataa waa Ka tabar iyo awood . Weliba Aan qiranayn inay gudan waayeen haba yaraatee xil waajibkoodii Masuuliyadeed , ma kala qaadayo Madax weyne gacanta u taagtay iyo golihiisa fulinta (golihiisa wariirada) sababtoo ah waxay ku yimaadeen doorashadiisa AMA xulistiisa , waad na lumiseen waqtigana dib ayaad u celiseen waxaanad Oran weydeen ma karro , ceeb maaha ,waa wax dhan haddaadan xag alle adoo daacad Ka ah Ka soo bixi karin hawshii Aad is tiri waad qaban kartaa inaad tiraahdo ma kari karo hawshani waa hawl culus Oo aduun iyo aakhiraba saamayn weyn Aad ku yeelanayso. Taa marka Aad ila garataan Oo Aan isku aragti Ka noqonno ayaan Ka hadli karaa musiibada joogtada ah ee Ka dhacda daafaha muqdisha Ilaa kismaayo beledweyne Ilaa baydhabo gedo Galgaduud Gaalkacyo Ilaa boosaasiyo garoowe iyo guud ahaanba deegaamada Oo dhan ,waa halaag iyo aafooyin joogta ah Oo quus geliyay dadka.

Xubnaha musuuliyadda sarena waxay carabkooda ku sheegaan inayan wax sidaasa Oo dhiba dhicin mar walboo halaag qaraxyo duqayn madaafiic Oo Ay ku xasuuqmayaan dad Soomaali ah dhacaan, masuuliin xildhibaanno iyo shacab maalin joogtaa la dilayo Oo Aan Qof loo soo qabanayn Qofna xilkasnimo looga qaadayn, Waxaynnu taa u macnaysan karraa kursiga dhiig Ayaa lagu ilaashaa Waa loo dhintaa waana la difaacaa ayay u muuqataa inay ku shaqaynayaan , sheekadaasi maaha maalmahoodii Koox ,qabiil iyo wax la mida caqliyadoodii Ayaa sidaa ku shaqeeya maalmahani waa Isu soo celinta Isu soo ururinta dadka uurkooda iyo aragooda ee kala dhantaalmay, caqliyadda noocaas ahi iiguma muuqato inay tahay mid u hiilanaysa nolosha aayaha dalka iyo dadka soomaaliyeed.

Caqliyaddani waa mid soomaalinimada luminaysa waa mid Qiimaha dadnimo waxyeelaysa waa mid xun Oo Rafaad bilowgiisa ah rajada wanaagsanna dhamaadkeeda ah , haddii Aad aaminsan tihiin in dalka laydinla leeyahay damqasho badanna loo Qabo Waxaan kula talinayaa shakhsiyaadka hoggaanka soomaalida ku haya gacanta ee noo ballan qaaday dhibta caqli cusub Oo looga baxaan haynnaa ma haysaan mana soo muuqato inaad heli kartaan garasho siyaasadeed Oo sarraysa Oo gudaheenna ah Oo dhalin karta dawo wixii hore u dhacay dhayaysa aayahana dad iyo dalba u qeexaysa ammaan iyo horumar , waa fashil hoggaanka Xasan Sheekh waa ceeb iyo waji gabax inaad sii hor fadhido ummaddan dhibku ku qaan gaaray.

Maaha inaad socdaal iyo dalxiis waqti ku dhamaado mashaariicibadeed xal uma aha nabadda iyo dhaqangelinta nidaam lagu kala hagmo Oo dhaliya kala dambayn rasmi ah Oo lagu wada heshiiyay, waa hog madaw halka Aad ku waddaan aayaha dhaw iyo ta fog ee dadka , hoggaanka Aad haysaan waa masuuliyad idinku culus Oo Aad dalka iyo dadka ugu Gacan gelinaysaan dugaag Aan arxan u gelayn ilaahayna Ka baqayn , waxaan filayaa inay idiin muuqato waxa laydinka aamin San yahay ummaddiinnu idinka aaminsan tahay magacyada Aad ku dhex leedihiin.

Shacabka soomaaliyeed waa shacab Aad u wanaagsan hadday helaaan hoggaan daacad ah Oo qab leh Oo fahansan waxa Uu yahay soomaaligu, waaya aragna u ah khaldaadka taariikhdiisa siyaasadeed ee soo jireenka ah ,ma muuqato Kuwa hanan Kara kalsoonida quluubta shacabkayga hoggaan la’aantu dullaysay codsigaygu wuxuu yahay fadlan talada Iska xayuubsha ku wareejiya cidda mudan Oo kartideeda leh Oo soomaalinimada uurka ay Ka tahay , maaha maanta maalintii Aan qabyaalad maganteeda noqon lahayn , maaha maanta maalintaannu mid ahaanshaheennii kala furfuri lahayn maaha maanta maalintaannu gumaysiga habkuu ku tala galay raaci lahayn, hoggaan naga maydha Ayaan u Baahi qabnaa magacyada foosha xun ee Aan manta caanka ku nahay sida argagixisada burcad badeed burcad berriyeed musuq maa suuq dawlad xumo iyo xumaano badan waxaas Oo Idil waa hab gumaysiga cusubi Dunida ku maamulo gumaysigu waa Ka Nimcada Aan dul deggannahay naga Indha tiray ee Aan maalinba daasadda hor dhiganaynno caalamka.

Waa Ka na kala diray isku kaaya diray , Ka dareenkaaga geliyay inuu isaga daacad kuu yahay , gumaysiyadii soo jireenka ahaa Oo Ka faaiidaysanaya dhibaatada dhexdeenna ee la la’yahay Madax gacanta ku qabata Oo hanata , waxaan mar labaad ku celinayaa talada hala kala Qaato hano loo hiilliyo dhibanayaasha shacabkeenna soomaaliyeed ee ku luufluufaya dalka gudihiisa iyo daafaha Dunida saldhigguna ha noqdo siyaasadda Gudaha in meesheeda la saaro .

Wixii ummadda Aad u gasho AMA Aad Ka gasho taariikhda Ayaa Baal kaa reebaysa …..

Waxaan ilaahay uga rajaynayaa inay ummadda soomaalida ku abtirsadana meel kastoo ay joogto hesho hoggaan qanciya Oo ku dhaqa daacadNimo wadaniyad soomaalinimo horumarkoodana ku naalooda .

Faarax Maxamed (Sabool Koriye )
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com