Dhageyso: Raisul Wasaare C/wali Sh Axmed oo Mar Kale Lagu Eedeeyay In Uu Beel Gaar Ah Kula Kulmay Magaalada Marka

0

Marka(AGGM): Raisul Wasaaraha Xukumadda Soomaaliya C/wali Sh Axmed Max’ed ayaa waxaa mar kale soo foodsaartay fadeexad ah inuu magaalada Marka kula kulmay hal beel ah taasoo muujinaysa in C/wali Sh Axmed uu wajahayo qibrad la’aan la xiriirta shaqada ay umadda Soomaaliyeed u igmatay.

C/wali Sh Axmed Max’ed ayaa magaalada Marka uu kula kulmay hal beel sida ay caddeeyeen wararka saxaafada iyo odayaasha beelaha deegaankaas oo ku eedeeyay inuusan ku casuumin shar beeleed uu ku abaabulay magaalada Marka.

Raisul Wasaaraha ayaa arrintaas iska fogeeyay, wuxuuna sheegay in beelaha Soomaaliyeed oo dhan uu kula kulmay magaalada Marka. Magaalada Marka ee gobolka Shabeelaha hoose ayaa waxa dhextaal u tahay beel isqabqabsi beeleed.

Halkaan ka dhageyso

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com