Top News:Xildhibaanada Baarlamaanka Kenya Oo Mooshin Ka Keenaya Ciidanka Ka Jooga Soomaaliya.

0

Nairobi (AGGM): Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiilada Dalka Kenya ayaa sheegay in ay wadaan mooshin la doonayo in Ciidamada Kenya ka jooga Soomaaliya looga soo saaro kaas oo Baarlamanka u gudbin doonaan.

Mudanayaashaa ayaa sheegay in Mooshinkaa uu yahay mid muda ka fikirayeen waxa ayna sheegeen in amaan darida ka jirta Kenya loo aneenayo Ciidamada Kenya ka jooga Soomaaliya.

Xildhibaanadaa ayaa lagu wadaa in dhawaan hor geeyaan Baarlamanka Mooshinkaa waxaana arintaa laga yabaaa in Madaxweyne Uhuru wax laga waydiiyo.

Mooshinkaa ayaa imaanaya xili dhawaan Ururada Mucaaradka Dalka Kenya ku baaqeen in si deg deg ah Ciidamada Kenya looga soo saaro Soomaaliya walow Madaxweyne Ku xigeenka Rutto sheegay in aan laga soo saari doonin.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com