R/Wasaarihi hore Dr. Maxamed Callaahi Farmaajo oo fariin muhiim ah u diray Shacabka Somaliyeed islamarkana beeniyay.

0

Raiisalwasaarihi hore ee Somalia Mudane Maxamed Cabdilahi Maxamed Farmaajo ayaa waxaa uu mantay ka hadlay waarar ay soo dabaceen warbaahinta afka somaliga ku hadla kaas oo tibaxayay in Farmaajo uu ku baqay in Madaxweyne Xasan Sheikh Iscasilo.

Sida ay tabisay warbaahinta somalida waxaa la sheegay in Farmaajo uu bogiisa Twitter ka soo dhigay Fariin uu ugu baqayo Madaxweyne Xasan Sheikh in uu is casilo xilka uu hada hayo Maadama u wax ka qaban wayay xaalada wadanka.

Balse warkaasi waxaa si adag u beeniyay Raisalwasaarihi hore ee Somalia Mudane Maxamed Cabdilahi Maxamed Farmaajo waxana uu sheegay mudane Farmaajo in usan ba lahay Twitter .

Farmaajo ayaa waxaa uu ugu nasteexeyay dadka Magaciisa ku furta Acountiyada Twitter ka iyo Facebook ga in ay ka waantoobaan waxaa ay samaynayaan oo ah qalad aad u weyn.

Farmaajo ayaa waxaa uu intaasi ku daray in usan wali ka hadlin baaqa ay soo jeediyeen xildhibanada garaya 130 ka ee Madaxweyne Xasan loga dalbaday in uu is casilo xilka uu u hayo ummada Somaliyeed.

Ugu dabeyn Raisalwasaari hore ee Somalia Mudane Maxamed Cabdilahi Maxamed Farmaajo waxaa uu ugu baqay Shacab somaliyeed in ay ilaashadan hay,adaha qaranka ee hada u dhisan kuwaas oo dhismahoodi u ku baxaay qarash iyo dhig aad u badan….

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com