Ingiriska oo ka Walacasan Muwadiniin u dhalatay oo Al-shabaab ku Biiraya

0

London(AGGM):Gudiga arimaha Amaanka iyo sirdoonka u qaabilsan Baarlamanka Britain ayaa soo saaray digniino ku saabsan inay sii kordhaan tirada dadka Britishka ah ee ku biiraya Al-Shabaab iyo Al-Qaacidada Siiriya .

Gudiga ayaa ku booriyay laamaha Amniga iyo sirdoonka Uk inay aad ula socdaan xogaha la xiriira Muwaadiniinta ingiriiska u dhashay ee kusoo biira Al-Shabaab maadaama dhow mar oo hore ay arintaasi dhacday

Gudiga arimaha Amaanka iyo sirdoonka ee Baarlamanka Britain ayaa shaac ka dhigay in wixii ka dambeeyay weerardii 2005-tii ka dhacay London ay kordheen tirade dadka ku biiraya Shabaab iyo Al-Qaacidada kale iyagoona tusaala usoo qaatay in nin kamid ahaa ragii Qaraxaasi fuliyay xaaskiisa oo la yiraahdo Samantha Lethwite ay hada xubin sare ka tahay Al-Shabaab ayna joogto gudaha dalka Somaaliya.

Marka lagasoo tago dadka Britshka ah waxaa jira in kabadan 200-oo dhalnyaro asalkoodu Soomaali ah kuwaasi oo Somaaliya soo aaday kuna biiray Al-Shabaab iyadoo sirdoonka dalkaasi ay walaac ka muujiyeen hadii ay ku laabtan Britain .

Isha ku hay Allgalgaduud Media

Allgalgaduud@gmail.com