Dhageyso:Gaadiidka Muraayadaha Madoow oo Jowhar laga Mamnuucay

0

Jowhar(AGGM):Saraakiisha Ciidamada Nabadsugida Qaranka Soomaaliya ee Degmada Jowhar ayaa Magaalada Jowhar iyo qeybaha ay Gobolka Ka maamulan ka Mamnuucay Gawaarida Murayadaha Madow ee Bersolka ay ku dahaaran yihiin.

Taliyaha Ciidamada nabadsugida Dowladda Soomaaliya ee Gobolka Shabellaha dhexe  C/wali Ibraahin Max’ed ayaa oga Digay Gaadiidka Shacabka in aysan isticmaali karin Murayadaha Madoow Cidii lagu Arkana Tilaabo laga Qaadi doono.

C/wali Ibraahin ayaa sheegay in Saraakiisha Ciidamada XGS iyo kuwa Nabadsugida Qaranka ay kawada Shaqeynayaan Arrimahaasi islamarkaan ay ka hortagayaan Gaadiidkaas oo inta badan Amaan Xumo sababa.

Halkaan Hoose ka dhageyso Codka