Ciidamada Malaysia oo Gacanta ku Dhigay Nin ay sheegeen in uu ka tirsan yahay Al-shabaab kuwa kalana Baadi Goobaya

0

Kulalanbur(AGGM):Ciidamada Amaanka Dowladda Malesiya ayaa xiray nin Soomaali ah oo da’adiisu tahay 34jir kaasi oo lala xiriirinaayo Al-shabaab iyadoo Bolisku ay baadigoobayaan 5-qof oo kale kuwaasi oo ka tirsan Al-Shabaab sida ay sheegen laamaha Amaanka dalkaasi.

Taliye ku xigeenka Boliska dalka Malesia Datuk Seri Mohd ayaa u sheegay jariirada the Star online in ninka la qabtay iyo kuwo la raadinayo intaba ay dhawaan dalkaasi tageen iyagoo iska dhigaya arday iyo dalxiisayaal aynja doonayeen inay saldhig ka sameystaan Malesia.

Sidookale taliye ku xigeenka ayaa tilmaamay in hada Hay’adaha Amaanku ay su’aalo weydiinayaan ninkaasi 34-jirka ah ee Somaaliya u dhashay ,waxaana uu intaa ku daray in wax laga weydiinayo hadii ay Weeraro ka fulin rabeen gudaha Malesia.

“ninka hada aan qabanay waa xubin Shabaab kamid ah waxaa doon doonaya Boliska Caalamka ee Iner Pol ,5-ta qof ee kale iyana waan ku raadjoognaa macluumaadkooda ayaan heynaa” sidaa ayuu hadalkiisa sii raaciyay Seri Mohd

Ugu dambeyn Boliska dalka Malesia ayaa sidookale baadigoobaya hub iyo waxyaaba qarxa oo loga shakisan yahay inay wateen ragan lala xiriirinayo inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab

Isha ku hay Allgalgaduud Media

Allgalgaduud@gmail