Ciidamada AMISOM oo lagu Weeraray degmada Marka

0

Marka(AGGM):Dagaal Xoogan oo u dhaxeya Ciidamada Dowaladda iyo Al-shabaab oo dhinac ah ayaa Xalay ka dhacay degmada Marka ee xarunta Gobolka Shabellaha Hoose.

Dagaalka ayaa yimid sida wararku ay sheegayan ka dib markii Al-shabaab ay Weerareen Ciidamada Dowladda iyo AMISOM Fariisimo ay ku leeyihiin degmada Marka.

Waxaa la sheegay in Dagaalka uu Geeystay Khasaaro dhimasho iyo Dhaawac ah oo soo kala Gaaray Dhinacayada ku dagaalmaya Degmada Marka ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Wali lama sheegin Tirada Dhabtaa ee Dagalka Xalay ka dhacay dagmada marka ee ku geeriyootay.