Xildhibaan Cabdulqaadir Cosoble “Madaxweyne Xasan Sheekh Warkeeni Wuu Naga Maqli Waayay, Sharciga Ayaana U Mareynaa”.

0

Muqdisho (AGGM): Xildhibaan Cabdulqaadir Cosoble oo kamid ah baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka hadlay arrinta ku aadan iscasilaadda madaxweyne Xasan Sheekh ay ka dalbeen mudanayaal uu iosaga ku jiro.

Waxa uu sheegay Cosoble in madaxweyne Xasan Sheekh uu war ka amqli waayay deetana ay ugu baaqeen inuu xilka kaga dego sida ugu dhaqsiyaha badan.

Xildhibaano ka badan 135 sida la sheegay ayaa waxaa ay ka dalbeen madaxweyne Xasan Sheekh inuu xilka isaga dego oo uu banneeyo kursiga madaxtinimo iyagoo cuskanaya in madaxweynaha uu ku guul-dareystay dhammaan balamihii uu qaaday markii xilkan loo doortay.

Waxa ay dalbadeen xildhibaannada in madaxweynaha uusan gaarin xiliga la filayo inay dhacaan doorashooyin xor ah ee sanadka 2016-ka.

Xildhibaan C/qaadir Cosoble ayaa ka dhawaajiyay in ammaanka madaxweynaha uu ku guul dareystay iyo waxyaabo kale sidaa darteedna mudanayaasha ay uga dalbeen is casilaad.

Sharciga ayuu sheegay inay u mari doonaan haddii uu ka dhaga fureysto baaqa ay u jeediyeen oo ah inuu xilka ka dego mar uu la hadlayay laanta afka Soomaaliga ee BBCSomali.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com