Taliyihii Hore Ee Nabad Sugida Qaranka Soomaaliya Axmed Fiqi Oo R/Wasaarihi Hore Ee Soomaaliya Dr. Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” Ku Tilmaamay Halyeey Mudan In La Xasuusto.

0

Muqdisho (AGGM): Taliyihii hore ee Hay,ada Nabadsugida Qaranka ee Marka magaceeda la soo gaabiyo  la yirahdo NISA Axmed Fiqi ayaa waxaa uu ka hadlay xaalka uu hada wadanka Somalia  marayo  iyo kaalintii wanagsanayd ee Raisalwasaare Saacid ka soo qatay.

Axmed Fiqi ayaa waxaa uu sido kale si qoto dheer uga hadlay sidii qaldaneyn ee xilka loga qaday  Raisalwasaarihii hore ee Somalia Dr Abdi Farah Shirdoon Saacid iyo sidii Barlamanka Somalia uu u diiday in uu Raisalwasarihi hore Saacid uu is  difaaco.

Taliyihii hore ee Hay,ada Nabadsugida Qaranka ee NISA ayaa waxaa uu intaasi ku daray in Boog dhan laga qori karo qaladaadkii laga galay  Raisalwasaare  Saacid  asago  hadlayana waxaa uu yiri

” Kursiga waa la yimaadaa, lagumana waaro, laakin waxaa muhiim ah magac iyo raad wanaagsan inaad ka tagto RW Saacid, shaqadiisana si wacan oo wadaniyadi ku dheehan tahey ayuu u gutey inkastoo sida uu sheegey majaxaabin lagu haayey, wuxuuna iska diidey in qol mugdi dhexdiisa lagula gorgortamo oo uu sidaas uu ku baxo asagoo hadhowna eed laga soo daba tuurayo, khudbadii loo diidey inuu barlamaanka ka jeediyana waxey u qalantaa in buugaag laga qoro, wuxuu ku ammaanan yahey in uu banaanka soo dhigey cudur dawladnimada Soomaaliya halis ku ah maanta aniga aragtideyda lagama guuleysane asagaa guuleystey.. .. taariikhdu xumaan iyo samaanba waa diiwaan-galineysaa.. RW Saacid waan u hambalyeynayaa, waxaana u taalla hawl weyn oo ah inuu ka shaqeeyo sidii dalka iyo dadka loo badbaadin lahaa..shaqo hadda ayey kow kuu tahey “ayu yiri   Taliyihii hore ee Hay,ada Nabadsugida Qaranka ee NISA  Axmed Fiqi.

Taliyihii hore ee Hay,ada Nabadsugida Qaranka ee NISA  Axmed Fiqi waxaa  xilkaan u magacaabay Madaxweynihii hore ee Somalia  sh shariif  Sh Axmed sido kale Axmed Fiqi lama soo shaqayn Xukuumadii Dr Abdi Farah Shirdoon Saacid wax xil ahna kama hayn.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com