Maxkamada sare ee dalka Kenya oo joojisay dib u celinta Qaxootiga ku nool magaalooyinka dalkaas.

0

Nairobi (AGGM): Maxkamad ku taalla dalka Kenya ayaa sheegtay in la joojiyo dib-u-celinta qaxootiga Soomaalida ee ku nool dalka Kenya,kaddib markii boqollaal qaxooti ah lugu soo celiyey Soomaaliya.

Maxkamada ayaa fareysa wasiirka arrimaha gudaha Kenya, Joseph Ole Lenku in uu joojiyo qorshaha dadka qaxootiga ah ee magaalooyinka jooga dib loogu celinayo xeryaha qaxootiga, ilaa laga dhageysanayo dacwad ay dad qaxooti ah soo gudbiyeen.

Warka waxaa uu ka soo baxay garsooraha maxkamadda sare ee Kenya, David Majanja waxaana la sheegay go’anka inuu yimid kaddib markii ay maxkamada soogartay dacwad ay soo gudbiyeen sagaal qof oo ka wakiil ah shan boqol oo qof oo qaxooti ah oo sheegay in ay maalgashi xooggan ka sameysteen xaafadda Islii ee magaalada Nairobi.

Dacwad oogayaasha ayaa ku doodaya in hirgelinta wareegto ka soo baxday wasiirka arrimaha gudaha iyo sii socoshada howlgalka lagu magacaabay ‘Usalama Watch’ ay halis ku yihiin xuquuqda ay u leeyihiin in ay sameeyaan dhaqdhaqaaq iyo in ay lahaadaan hanti sida uu qabo dastuurka dalka u yaalla.

Samow Muumin Maxamed oo ka mid ah dadka dacwadda gudbiyay ayaa tilmaamay in amarka dib-u-celinta dadka qaxootiga ah uu ka hor-imaanayo dastuurka Kenya, sharciyada ku saabsan qaxootiga iyo xeerarka caalamiga ah.

Dadka dacwadda gudbiyay ayaa sheegay in qorshaha dib loogu celinayo qaxootiga aan lagu tixgalin qoysaska carruurta leh, dadka sababo caafimaad u jooga Kenya, dadka ganacsatada ah ee dhaqaalaha dalka soo galiya iyo dadka xaaladaha qaxootinnimo ee gaarka ah qaba.

Waxaa la sheegay 27-bishan in la dhageysan doonno dacwada ay soo gudbiyeen dadka qaxootiga ah,waxaana goob-joog u noqonaya dhammaanba dadka ay quseyso sida maxkamadu sheegtay.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com