Horjooge Cabdiweli Sheekh Axmed Oo Saacadaha Soo Socda Ku Wajahan Magaalda Marko Ee Gobolka Sh/Hoose.

0

Muqdisho (AGGM): Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Saacadaha Soo socda uu C/weli Sheekh Axmed ku wajahan yahay magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabellaha Hoose.

C/weli Sheekh Axmed ayaan la sheegin inta uu socdaalkiisa Marka qaadan doono waxaase warar aan helnay ay sheegayaan in kormeer kusameyn doono qaabka uu ushaqeynayo Maamulka magaaladaasi.

Xubno katirsan Xukuumada ayaa la sheegay in Socdaalka C/weli Sheekh uraaci doonaan magaalada Marka ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Isku soo wada duuboo C/weli Shiikh ayaa waxa qaar kamid ah Gobollada dalka uu kusoo kala bixiyey Socdaalo uu ugu Kuur galayey xaalada deegaanadaasi iyo sida ay maamulada u shaqeeyaan.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com